Home Wararka Maanta Sheekh Shariif oo ka guuray Hoyga uu ka daganaa Muqdisho, Musharixiinta oo...

Sheekh Shariif oo ka guuray Hoyga uu ka daganaa Muqdisho, Musharixiinta oo isku balaarinaya Caasimada

0

Qaar ka tirsan midowga musharaxiinta oo ay ku jiraan madaxweyneyaashii hore ayaa bilaabay iney isku ballaariyaan qaar ka tirsan degmooyinka gobolka Banaadir.

Madaxweynihii hore Soomaaliya Sheekh Shariikh Sheekh Axmed ayaa noqday musharaxii ugu dambeeyey ee ka guura koonfurta Muqdisho oo hoygiisa ahaa isaga oo degay degmada Cabdicasis ee bariga Muqdisho.

Guurista Shariikh ayaa timid maalmo kadib markii horay sidaas oo kale koonfurta isaga guuray madaxweynihii xilka uga dambeeyey ahna musharax 2021-ka Xasan Sheekh Maxamuud.

Arrintan ayaa kusoo aaday todobaad kadib markii uu isla aagga labada mas’uul ka guureen uu isna lafihiisa kala baxsaday Gen. Saadaq John oo dowladda iskudeysay qabashadiisa.

Musharaxiintan oo inta badan deganaa degmada Wadajir iyo Weberi gaar ahaan goobo u dhow garoonka caalamiga ah ee Aden Cadde ayaa la sheegayaa iney dareemeen dhaqdhaqaaq ciidan oo ka dhan ah iyo isballaarin ay dowladda waddo.

Warar ay heshay Goobjoog News ayaa sheegaya in sidoo kale ay jiraan musharaxiin kale oo maalmaha soo socda degi doono qeybo kale oo ka tirsan koonfurta iyo bartmada Muqdisho.

Farmaajo ayaa dhankiisa waxaa codsi weydiistay midowga Afrika isaga oo raadinaya soo celinta kalsooni dhex marta isaga oo mucaaradka.

Liiska Wadamada laga Mamnuucay Galitaanka Dalka Mareykanka oo lasoo Bandhigay

Sida ku xusan qorshe ay diyaarisay Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ee liiska casaanka ah, Mas'uuliyiinta dalkaasi ayaa qorsheynaya inay adkeeyaan sharciyada gelitaanka muwaadiniinta dhowr waddan oo Carbeed, sida ay sheegtay

Magaalada Berbera Wiil Dhallinyaro ah oo Jaceyl Dartiis Dab isku Qabadsiiyay

Wiil dhallinyaro ah oo ku nool magaalada Berbera ee Somaliland ayaa dab is qabadsiiyay, kadib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo gabadh uu jacayl ka dhexeeyay Jimcihii shalay.

4 Qof oo ugu geeriyootay Xanuun aan la ogeyn Gobolka Karkaar ee Puntland

Wararka ka imaanaya Degmada Rako Raaxo oo ka tirsan Gobolka Karkaar ee Puntland ayaa sheegaya in uu halkaasi ka dilaacay Xanuun safmara oo aan weli la aqoonsan si deg deg

Maxaa Keenay cabsida laga qabo in uu Dagaal ka dhex qarxo Itoobiya iyo Ereteriya?

Kadib muddo dhowr sano ah oo laga nastay xurguftii muddada dheer ka dhexaysay Itoobiya iyo Ereteriya, mar kale dhinacyada ayaa isku hub urursanaya, iyada oo laga cabsi qabo in dagaal

Madaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo
Ad
Previous articleBeelaha Hawiye oo sheegay in aysan aqoonsaneen Farmaajo iyo Muddo Kordhinta uu sameystay
Next articleGolaha Ammaanka oo Isku Raacay inu Lagu Noqdo Heshiiskii September 17