Home Wararka Maanta Sheekh Mukhtaar Roobow oo markii u horeysay ka sheekeeyay arrin qabsatay intii...

Sheekh Mukhtaar Roobow oo markii u horeysay ka sheekeeyay arrin qabsatay intii uu ku guda-jiray howlaha adeegga Xajka.

0

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa markii u horeysay ka sheekeeyay arrin qabsatay intii uu ku guda-jiray howlaha adeegga Xajka.

Roobow oo maanta ka qeyb-galay munaasabad ka qabsoomtay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in isaga oo ku sugan dalka Sacuudiga uu nin ganacsade ah u keenay lacag badan oo laaluush ah, balse uu iska diiday.

“Anaga oo mowduuc Xaj ka shaqeynayay nin baa noo keenay lacag badan oo laaluush ah noo keenay, ma u baahni oo ma rabo ayaa ku dhahay, ninkii xoogga wuu dhibsaday, wajiga uu ka dhididay waa kacay waa fariistay ma u baahni aan ku dhahay waa iga tagay,” ayuu yiri Wasiir Mukhtaar Roobow.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ninkaas uu markale isaga oo Muqdisho ku sugan uu usoo watay masuuliyiin, si loogu fuliyo waxa uu rabo, hase yeeshe uu haddan ka diiday, “Lacagta idinka oo la qarqaraya ayaad keenaysan ee ha noo keenin ee haysta lacagtiina.”

“Waa nin akhyaar ah oo hebel dhihi maayo, Soomaaliya ayaa isku aragnay oo cid kasta oo aniga cadaadis igu sameyn kartay oo masuul ah ayuu soo watay oo wasaaradda ayuu igu yimid, waxaas iyo waxaas ayaa raba ee fuli, fulin maayo ayaa ku dhahay, aad ayuu u xanaaqay oo wuu naga tagay.”

Sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay in haddii uu maalinkii ugu horreysay uu ka qaadan lahaa lacagta laaluushka aheyd uu addoon u noqon lahaa, maadaama masuulka uusan xor aheyn inta uu qaadanayo laaluushka, sida uu hadalka u dhigay.

“Ninkii galabkii horena ila joogay ee galabkana ila joogay waxaa ku idhi ninkaan ma ujeeda siduu u xanaaqay maalintii haddaan lacagtiisa qaadan laheyn addoon ayaa u noqon laheyn, war waa ogtihiin ee imaamula ina dhihi lahaa waana maamulo laheyn. Qofka masuulka ah wuxuu xor yahay inta uusan laaluushka qaadan.”

Wasiir Roobow ayaa ugu dambeyntiina waxa uu kula dardaarmay masuuliyiinta dowladda in la iska ilaaliyo laalushka oo Ilaahay laga baqo, isaga oo bulshadana ku booriyay in laga waantoobo bixinta laaluushka.

“Masuulka Ilaahay ha uga baqo, ka u geynaya ayaa ka daran ee yaan xafiisyada lacag loogu geynin, xuquuqdiina ayaa helaysa idinka oo hal cent la idinka qaadan ayaa leeyahay.”

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleCiidanka xoogga oo si rasmi ah16 Sano kadib loogu wareejiyay amniga Villa Somalia(Sawiro)
Next articlePuntland oo Markii ugu Horaysay ka Hadashay Markab Dhawaan Xeebeheeda Lagu Afduubtay