Home Wararka Maanta Shanbaloolshe oo Gaaray Baladwayne Shirar Xasaasi ahna Ka Bilaabay

Shanbaloolshe oo Gaaray Baladwayne Shirar Xasaasi ahna Ka Bilaabay

0

Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo ku sugan magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa kulamo ka bilaabay magaaladaas.

Taliyaha ayaa galabta kulan gaar ah la yeeshay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka iyo qeybaha kale ee Bulshada reer Hiiraan.

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xaaladda amniga ee Gobolka iyo sidii dardargalin lahaa dagaalka ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta ah.

Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda ayaa adkeeyay muhiimadda ay dowladda u leedahay in dalka oo dhan laga sifeeyo cadawga Khawaarijta ah ee Al-Shabaab.

Dhankooda, Xildhibaanada Baarlamaanka, Odayaasha dhaqanka iyo Qeybaha Bulshada oo kulanka ka hadlay ayaa Taliye Sanboloolshe kaga mahadceliyay dadaalka uu ku bixinayo amniga iyo garab istaaga dadka reer Hiiraan ee dagaalka kula jira Khawaarijta.

Dhinacyadii uu la kulmay Taliye Sanbaloolshe ayaa waxa ay balan qaadeen in ay sii xooji doonaan doorkooda ciribtirka Khawaarijta, gaar ahaan deegaanada gobolka Hiiraan.

Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa lagu wadaa in 13-ka bishaan uu magaalada Beledweyne uga qeyb galo Caleema Saarka Ugaaska Guud ee Beesha Xawaadle Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

Qaban-qaabada munaasabadda caleema-saarka Ugaaska ayaa ka socota magaalada Beledweyne, waxaana halkaas isugu tegay Taliyaha NISA, Xildhibaanada beesha Xawaadle iyo duubabka dhaqanka beeshaas iyo beelaha kale ee deriska la ah.

Ad
Previous articleXiisad Culus oo Ka Dhextaagan Beelaha Laylkase iyo Sacad oo Dhawaan gaalkacyo lagu Heshiisiiyay
Next articleBurcadbadeed Soomaali ah oo Si yaab leh loo Qabtay kadib Markii….