Home Wararka Maanta Shacabka Puntland oo looga digay inay dhibaato u geystaan dadka ajaanibta ah

Shacabka Puntland oo looga digay inay dhibaato u geystaan dadka ajaanibta ah

0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa ka hadashay ilaalinta xuquuqda aadanaha ee dadka ajaanibta ah, kaddib markii dadweyne caraysan ay magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe ku beegsadeen dadka Itoobiyaanka ah ee sida sharci-darrada ah ku jooga Puntland.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha ayaa lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in shacabka Puntland ay si dhow ula shaqeeyaan hay’adaha amniga iyo kuwa sharciga fulinaya, iyagoo loogu baaqay inay ka fogaadaan fal kastoo xad-gudub ah ku ah sharciga.

Wasaaraddu waxay shacabka xasuusisay in Puntland tahay deegaan ku dhisan sharci iyo kala dambayn, laguna saleeyay mabda’a dhowridda nafta, hantida, karaamada iyo xuquuqda qofka.

“Sidaas darteed, wasaaradda ayaa mar kale ugu baaqaysa shacabka in ay ka fogaadaan falalka sharci-darrada ah, isla markaana ay garab istaagaan hay’adaha ku shaqada leh la xisaabtanka cid kasta oo halis ku ah nabadda iyo amniga Puntland,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda.

Sidoo kale, wasaaraddu waxay sheegtay, iyadoo la kaashanaysa bah-wadaagta kale ee Puntland, in ay si gaar ah uga shaqaynayso kala saaridda dadka si sharci ah ugu nool Puntland iyo kuwa aan haysan oggolaansho rasmi ah, si loo xaqiijiyo in la waafajiyo sharciga ciddii jebisa.

Shalay ayay markii ay Puntland magaalada Garowe ka tarxiishay in ka badan kun muhaajiriin ah oo kasoo jeeda Ethiopia, kuwaas oo maalmihii lasoo dhaafay laga qabtay kantaroolada Garowe iyo xaafadaha dhexdooda.

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka

Abaaraha ka jira Puntland oo Saameyn ku yeeshay 800,000 oo qof oo Halkaaasi ku Nool

Ku dhawaad 800,000 oo qof oo ku nool Puntland ayaa wajahaya xaalado nololeed oo aad u liidata, taasoo ka dhalatay roob la’aantii ka dhacday xilligii Deyrta 2024 iyo saadaasha roob

Doonyo Hub u siday Kooxda Shabaab oo lagu bur-briyay Duqeymo Cirka ah

Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), oo kaashanayay Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa 15-kii Abriil 2025 duqeyn cirka ah ka fuliyay gudaha Soomaaliya, si loo burburiyo hub casri ah oo saarnaa dooni

Dowlada Somaliya oo Sheegtay in 35 Xubnood onShabaab ah lagu dilay Hawlgal ka Dhacay Gobolka Bay

In ka badan 35 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal culus oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed.
Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo ka qeyb galay Shir looga hadlay Xaalada Congo
Next articleMagaalada Baladweyne oo lagu dilay Askari ka tisan Ciidanka Dowlada Somaliya