Home Wararka Maanta Shacabka Pakistan oo bilaabay Banaanbaxyo lamid ah kii Bangaladhesh ee Dowlada lagu...

Shacabka Pakistan oo bilaabay Banaanbaxyo lamid ah kii Bangaladhesh ee Dowlada lagu riday

0

Shacabka Pakistan ayaa maanta bilaabay banaanbaxyo balaaran oo looga soo horjeedo dowlada isla markaana lagu taageerayo hogaamiyaha xiran Imran Khan.

Banaanbaxyadan ayaa lagu soo beegay sanadguurada u buuxsantay Raysalwasaarihii hore Imran Khan intuu xabsiga ku jiro.

Shacabka ayaa ugu baaqay dowlada inay xabsiga kasii deyso Imran Khan, iyagoo ku goodiyey inay sii wadi doonaan mudaharaadka.

Banaanbaxa ugu weyn ayaa ka dhacay magaalada Swabi ee gobalka Khyber Pakhtunkhwa, isu soo baxaasi oo ay ka qeyb galeen ugu yaraan 10.000 qof.

Banaanbaxyadan ayaa culeys xoogan saaraya Xukuumada Raysalwasaare  Shehbaz Sharif, inay maqasho codka shacabka.

Ad
Previous articleKoox Cunsuriyiin ah oo Weerartay Hotel Qaxooti la dajiyay gudaha UK iyo khasaaro ka dhashay
Next articleShirka Golaha Watashi Qaran oo Ka Dhacaayo Kismaayo iyo Go,aano Xasaasi ah lafilaayo inay kasoo Baxaan