Home Wararka Maanta Shabakad Alshabaab ah oo Lagu Qabtay Soomaaliland iyo Waxa ay Damacsanaayeen

Shabakad Alshabaab ah oo Lagu Qabtay Soomaaliland iyo Waxa ay Damacsanaayeen

0

 Maamulka Somaliland ayaa soo bandhigay xubno Shabaab ah oo lagu qabtay magaalada Burco, kuwaas oo la sheegay inay qorsheynayeen weerarro culus.

Hey’adda Sirdoonka Somaliland ayaa baahisay sawirrada 7 qof oo shan kamid ah ay rag yihiin iyo labo dumar ah, kuwaas oo lagu tilmaamay inay yihiin Shabakad Shabaab ah.

Sirdoonka Somaliland ayaa warbixintaan ku sheegay in xubnahaan Shabaab-ka ah ay ka soo safreen magaalada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, halkaas oo ah xudunta Al-Shabaab.

Sidoo kale, Sirdoonka Somaliland ayaa shaaciyey in xubnahaan la qorsheeyey inay weerarro culus ka geystaan gudaha Somaliland inta ay socdaan doorashooyinka maalmo kadib bilaabanaya.

Somaliland ayaa sheegtay in labada dumarka ah ee Shabakadaan la qabtay ku jirta ay ahaayeen xaasaska labo kamid ah horjoogayaasha Al-Shabaab.

Sirdoonka Somaliland ayaa ku raadjooga 20 xubnood oo kale oo ka tirsanaa Shabakadaan, kuwaas oo la qorsheeyey inay wax oa fuliyaan weerarrada loo qorsheeyey inay Somaliland ka dhacaan maalmaha doorashada.

Ad
Previous articleMid kamid ah Ismada Puntland ugu Caansan oo Soo Dhaweeyey Shidaalka Laga Qodaayo Hobyo
Next articleDowlada Soomaaliya oo Ku adkaysatayay Go,aankeedii Itooobiya in Laga Saaro Soomaaliya