Home Wararka Somaliya Shabaab oo laga bur-buriyay Maxkamado ay ku Lahaayeen Shabeellaha Hoose, Sawiro

Shabaab oo laga bur-buriyay Maxkamado ay ku Lahaayeen Shabeellaha Hoose, Sawiro

0

Howlgalo qorshaysan oo ay iska kaashadeen Ciidanka gaarka ah ee NISA iyo Booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa maanta laga sameeyey degaano ka tirsan Gobolka Sh/hoose.

Saraakiisha ayaa sheegay in howlgalkan oo ahaa mid baaxad leh laga sameeyey wadada isku xirta Muqdisho iyo Marko.

“Waxaa howlgalkan uu ahaa mid khawaarijta lagu sifaynayay waddada isku xirta magaalooyinka Muqdisho ilaa Marko ayaa waxay ku burburiyeen xarumo qarsoodi ahaa oo khawaarijtu ay ku lahaayeen degaannada Ceel-maracade, Buufow bacaad, Garas Gawaan, Galka Saalimo iyo degaano hoos taga Number 60” ayuu yiri sarkaalka ka tirsan ciidanka Haramcad.’

Waxaa uu sheegay in howlgalkan lagu burburiyey wax uu ugu yeeray maxkamad beenaadyo iyo xarumo ay dadka ku baadaan.

“Intii howlgalka uu socday sidoo kale ciidamadu waxay xireen wadooyin Khawaarijtu ay u isticmaali jireen gudbinta gawaarida waxyaabaha qarxa ay ku xiraan si ay ugu dhibaateeyaan shacabka” intii intaas ku daray.

Ad
Previous articleGalmudug oo war kasoo saartay Odayaasha lagu xir xiray Magaalada Cadaado
Next articleXaafada Rinkeby oo Toogasho ka dhacday Maanta, Faah-faahin laga helay Qofka la toogtay