Home Wararka Maanta Senator Cabdiqaybdiid iyo Wafdi uu Hogaaminaayo oo lagu Soo Dhaweeyey Degmada Wisil(Sawiro)

Senator Cabdiqaybdiid iyo Wafdi uu Hogaaminaayo oo lagu Soo Dhaweeyey Degmada Wisil(Sawiro)

0

Xildhibaano JFS ayaa maanta lagu dhaweeyay Magaalada Wisil ee koonfurta Gobolka mudug

Senator Cabdi Xasan Cawalae Qeybdiid iyo Xildhibaan C/salaan Dhamancad oo ka tirsan golayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Magaalada wisil waxaa kusoo dhaweeyay Saraakiisha Ciidamada xoogga iyo Daraawiishta Galmudug

Safarkaan Xildhibaanadu ku yimaadeen Magaalada wisil ee koonfurta Gobolka mudug ayaa salka ku haysa inay door weyn ka qaataan Dagaalka Khawaarijta Al Shabaab looga saarayo Deegaanada Galmudug ee Gobolada mudug iyo Galgaduud ee galmudug

Xildhibaan ayaa sidoo kale waday Gaadiid Ciidan oo loogu Talogalay xoojinta Amniga iyo Dagaalka Ciidamada xoogga iyo Daraawiishta Galmudug ka wadaan koonfurta Gobolka.

Ad