Maxkamadda Sare ee dalka ayaa maanta si toos ah u guda gashay kiiska ninkii gubay xaaskiisa Sayid Cali Macallin Daa’uud, kaas oo ay horay dil ugu soo xukumeen maxkamadda darajada koowaad iyo tan racfaanka ee gobolka Banaadir.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Baashe Axmed Yuusuf ayaa fadhiya hoolka, waxaana sidoo kale goobjoog ah xeer ilaalinta iyo qareennada difaacaya eedeysanaha.
Sidoo kale waxaa maxkamadda ku sugan ehellada labada dhinac, waxaana ku jira Aabe Cabdicasiis Maxamed oo muddo dheer sugayay cadaaladda gabadhiisa Luul.
Kiiska Sayid Cali Macallin Daa’uud ayaa qaatay muddo dheer, wuxuuna soo maray heerar kala duwan, wuxuuna maanta joogaa heerkii ugu dambeeyay ayada oo laga war dhowrayo go’aanka Maxkamadda Sare oo noqon doono kan ugu dambeeyay.