Home Wararka Maanta Sawiro:- Saddex Haween oo Xaamilo ah oo Saaka lagu dilay Degmada Deyniinle

Sawiro:- Saddex Haween oo Xaamilo ah oo Saaka lagu dilay Degmada Deyniinle

0

Kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa saakay xaafada Warlaliska ee degmada Dayniile waxa ay ku dileen sadex haween ah halka ay si dirqi ah uga baxsatay haweeney kale oo la socotay kuwa la dilay.,

Sida aan wararka ku helnay haweenkan ayaa la weeraray xili ay doonayeen in mooto bajaaj u raacaan goob ay ka shaqeeyaan, waxaana haweenkan laga toogtay qaarka sare ee jirka gaar ahaan Madaxaxa .

Haweenka la dilay ayaa labo kamid ah la sheegay in ay ahaayeen Walaalo kuwaasi oo xaamilo ahaa ,halka mida sedexaad iyana aheyd Dumaashidood oo iyana xaamilo aheyd,   waxaana magacyada haweenkan la dilay lagu soo koobay Faadumo, Fartuun iyo Meymuun.

Ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya iyo ciidamada maamulka degmada Dayniile ayaa markii dambe gaaray goobta dilku ka dhacay, waxa ayna halkaasi ciidamada ka qaadeen meydadka haweenka la dilay iyo dhaawacyada.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in haweenka la dilay ay ka shaqeenayeen Wasaarada Gaashaandhiga gaar ahaan qeybta nadaafada, haweenkan ayaana subax kasta mooto kasoo raaci jiray goobta saakay lagu beegsaday.

Dilkan loo geestay haweenkan danta yar ayaana murugo ku beeray dadka deegaanka, waxa ayna aheyd arinta dad badan ka naxeen in labada haween ee la dilay in ay ahaayeen xaamilo.

Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay amaankeeda sii xumaanayay, waxaana magaalada kusoo batay dilalka qorsheesan iyo qaraxyada isugu jira miinooyinka wadada lagu aaso iyo qaraxyada ismiidaaminta .

Madaxweynaha Galmudug oo booqasho ku tagay xarunta Hay’adda SoDMA

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta booqasho ku tegay xarunta dhexe ee Hay’adda SoDMA, waxaana xarunta ku soo dhaweeyay guddoomiyaha SoDMA Maxamuud Macalin Cabdulle. Madaxweynaha Galmudug

Caalamka:- Dowlada Sacudiga oo 14 Dal African ah ka joojisay Visa Cumrada

Maamulka sare ee Boqortooyada Sacuuduga, ayaa si KMG ah u hakiyay in viisooyinka cumrada, ganacsiga iyo booqashada qoysaska xilligan la siiyo dadka kasoo jeeda 14 dal , kuwaa oo kasoo

Donald Trump oo Shaaciyay Hadalo Hanjabaad ah oo ku socda Iiraan

Madaxweynaha dalka Mareykanka, Donald Trump, ayaa xalay shaaca ka qaaday in dowladda Iran diyaar u tahay in ay la galaan wadahadallo toos ah ay uga wada hadlayaan barnaamijka Nukliyeerka, inkastoo

Caalamka:- Microsoft oo shaqada ka joojisay gabar indhaha caalamka qabsatay

Gabar lagu magacaabo Ibtihal Abu Saad oo u dhalatay dalka Marooko oo u shaqeeysa shirkadda Microsoft, ayaa qabsatay indhaha caalamka, kaddib markii ku dhax mudaharaaday munaasabadda sannad-guurradii 50-aad ee shirkadda

Ex Madaxweyne Farmaajo oo ku baaqay in baaritaan lagu sameeyo Geerida Jeneraal Sheegow

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka inay baaritaan dhab ah ku sameeyso Geerida ku timid Jeneraal Sheegow oo in muddo ah u xirnaa Dowladda
Ad
Previous articleMidowga Musharixiinta Dalka oo ku dhawaaqay Banaan-bax weyn oo muqdisho ka dhaca
Next articleCiidanka xoogga Somaliya oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab