Home Wararka Maanta (Sawiro Dheeri Ah) Ciidanka Galmudug ee Maanta la wareegay Deegaanka Bacaadweyne oo...

(Sawiro Dheeri Ah) Ciidanka Galmudug ee Maanta la wareegay Deegaanka Bacaadweyne oo Shabaab laga saaray

0

Ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, kuwa Galmudug oo ay wehlinayaan dadka degaanka oo hubeysan ayaa dib ula wareegay degaanka Bacaadweyne ee Koonfurta Gobolka Mudug, halkaas oo ay gacanta ku hayeen Al-Shabaab.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa Ciidamada huwanta ah waxaa ay dhaq dhaqaaqyo Ciidan ka wadeen duleedka degaannada Bacaadweyne iyo Wisil, hayeeshee Ciidamada dowladda ay la wareegeen degaanka Bacaadweyne kadib markii ay isaga baxeen Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda qeybta 21aad ayaa sheegay in ay si nabad ah kula wareegeen degaanka, isla markaana ay xaqiijiyeen guud ahaan amniga degaanka Bacaadweyne iyo degaannada hoostaga.

Wararka laga helayo degaanka Bacaadweyne ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada dowladda iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ay howlgallo miino baaris ah ka wadaan degaanka Bacaadweyne iyo duleedkeeda ee Koonfurta Gobolka Mudug, halkaas oo dhowr jeer ay qaraxyo miino ka dhaceen.

Degaanka Bacaadweyne ee Gobolka Mudug ayaa waxaa dhowr jeer isku bedbedelay Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab, waxaana bilihii la soo dhaafay ay noqotay goob dagaal kadib markii ay dhowr jeer weerareen Al-Shabaab.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous article(Sawirka) Ciidanka Galmudug oo la wareegay Deegaanka Bacaadweyne
Next articleXildhibaan ka Tirsan Galmudug oo Booqday Deegaano dagaal beeleedyo in Mudda ah ka Taagnaayeen (Sawiro)