Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Sarkaalkii Jubaland ee Hogaaminaayay Ciidamadii Weerari lahaa Raaskanbooni oo Xog yaab leh...

Sarkaalkii Jubaland ee Hogaaminaayay Ciidamadii Weerari lahaa Raaskanbooni oo Xog yaab leh Bixiyay

0

Saraakiil iyo ciidamo kale oo ka tirsanaa Jubbaland ayaa maanta isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo xog yaab leh ka bixiyey qorshe culus oo Axmed Madoobe dejiyey in lagu qabsado Raaskambooni, balse ay uga baxeen.

Saraakiil warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in isaga iyo sarkaal kale oo garabkiisa taagnaa lagu amray inay weerarka bilaabaan oo xerada ciidanka xoogga ee Raaskambooni ay qabsadaan.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Axmed Madoobe diyaariyey ciidan kale oo dhinaca kale ka soo weerara ciidan xoogga dalka markii laga saaro xerada Raaskambooni, balse wuxuu sheegay in markii ay soo amba-baxeen ay go’aansadeen in ciidanka xoogga dalka aysan la dagaalamin.

“Waxaan go’aansanay in ciidanka walaalaheen ah aanaan weerarin, waxaan soo aadnay xagooda, waxaana kasoo dul dhacnay iyagoo aan naga war heyn, kadibna wax qori ah naguma soo taagin, xabadna naguma ridin ee sacab ayey nagu soo dhaweeyeen,” ayuu yiri sarkaalkaan hogagaminayey ciidankii ka goostay Axmed Madoobe.

Wuxuu intaas ku sii daray “waxaan iska dhignay qoryaha si naloo aamino waana isdhiibnay, kadibna waxay na dhaheen qoryihiin qaata, soona dhawaada, waxaad u timaadeen ciidankiinii, runtii aad ayaan u faraxnay, waxaana u riyaaqnay sida ay dowladda Soomaaliya noo soo dhaweysay.”

Ciidamadii uu dhisayey 15-kii sano ee lasoo dhaafay ayaa maalin kasta si fudud ku baneynaya garabka Axmed Madoobe, waxaana heysata xaalad hubanti la’aan ah, maadaama dowladda Soomaaliya ay ku qaaday duulaan xididada loogu siibayo

Wafdi Kala Duwan iyo Ciidan gaaray Magaalada Laascoonood Xili uu ku Wajahanyahay Raisal Wasaare Xamze

Wararka aan ka heleyno magaalada Laasaanood ee xarunta maamulka SSC Khaatumo, ayaa sheegaa in saakay halkaasi gaareen wafdi horudhac u ah safarka Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo qaar kamid ah

Caalamka:- Wada-hadal Dhexmara Mareykanka iyo Iran oo ka dhacaya Muscat

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay in dowladdiisu ay wada hadal toos ah la bilaabeyso Iran, kaas oo la xiriira barnaamijkeeda sameysashada ee hubka nuclear-ka iyo sidii ay

Caalamka:- Qaxootiga gaarey Mareyakanka Xiliga Biden oo lagu Amray in Dalka ka baxaan

Dad badan oo muhaajiriin ah oo kunool gobollo katirsan dalka Mareykanka, ayaa haatan waxaa soo wajahay walaac kale oo hor leh, kaddib markii dowladda Madaxweyne Trump soo saartay amar cusub

Horjooge ka tirsan Shabaab iyo 20 Xubnood oo kale oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo saaxiibada Caalamka oo laga fuliyay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalka oo

Ciidanka Dowlada iyo kuwa Deegaanka oo la wareegay Gacan ku heynta deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in aroorninadii hore ee saakay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka howlgal qorshaysan kaga saareen deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe maleeshiyaadka
Ad
Previous articleAlshabaab oo Mid kamid ah Weeraradii ugu Cuslaa waayahaan ku qaaday Ciidamada Dowlada
Next articleDowlada Soomaaliya oo Goordhow Hub Ciidan ka dajisay Raaskanboni Xili axmed madobe Hawada Xiray