Home Wararka Maanta Sarkaal Sare oo Ka Tirsan Alshabaab oo Lagu Qabtay Gudaha Magaalada Kismaayo...

Sarkaal Sare oo Ka Tirsan Alshabaab oo Lagu Qabtay Gudaha Magaalada Kismaayo iyo Xog Xasaasi ah oo uu bixiyay

0

Laamaha ammaanka Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo ku soo bandhigay nin ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kaas oo toos loo wareystay, isla markaana wareysi uu bixiyey ku shaaciyey xogo xasaasi ah.

Ninkaan oo lagu magacaabo Bashiir Nuur Bashiir ayaa laga soo qabtay xaafadda Shaqaalaha ee magaalada Kismaayo, halkaas oo guri ay uga ijaartay haweeney ay qaraabo yihiin.

Sidoo kale ciidamada Jubbaland waxay soo bandhigeen adeerkiis, nabadoonkii beeshiisa oo soo damiintay, haweeney guri u kireysay iyo dad kale ayaa lala soo qabtay ninkaan.

“Anigoo ah nabadoon Jubbaland ka tirsan, waxaan xaqiijinaa in la i hor keenay wiil aan horay Nabad Sugidda uga damiintay oo hub lagu soo qabtay, odayaasha saaxiibadey ah, waxaan uga digayaa in qof aysan isku hubin aysan damiinan,” ayuu yiri Nabadoonka beeshii uu ka dhashay ninkaan Shabaab-ka ah.

Wiilkaan Shabaab-ka ah ayaa sheegay inuu tababarro culus ku soo qaatay magaalada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, waxaana Kismaayo u dirtay kooxda Al-Shabaab, sida uu cadeeyey.

Markii uu tegay Kismaayo ninkaan wuxuu sheegay inuu bilaabay shaqooyin kala duwan, sida dhisme iyo inuu riixo gaari gacan.

“Anigoo guriga jooga oo taleefan ku hadlaaya ayaan hurday, bistoolad ayaa i ag taalay, mid Shabaab igala tirsan ayaa isoo wacay oo ii sheegay in guriga ciidan u soo socdaan, wuxuu i yiri bistoolada iska fogey, meel ayaan ku qariyey kidibna ciidan ayaa ii soo galay, sidaas ayaana la igu soo qabtay,” ayuu yiri Bashiir Nuur oo Shabaab ka tirsan.

Dembiyada uu qirtay ninkaan waxaa ka mid ah bam-gacmeed uu ku tuuray Hotel Cascasey oo Kismaayo ku yaalla, inkastoo uusan khasaare ka dhalan bamkaas, wuxuuna sheegay in taasi ay aheyd shaqadii ugu horeysay ee uu qabtay.

“Qof la qalday kaligey uma horeyn, kuwo kale oo la lumiyey ayaa buuxa dad kale ayaa soo socda, waxa ugu badan ee dadka lagu luminaayo waa lacag iyo balaayo laguu akhrinaayo, hadii ay dowladu i cafineyso iyo hadey I dileyso, maanta gacanteeda ayaan ku jiraa,” ayuu yiri wiilkaan Shabaabnimada qirtay.

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa

Dagaal Dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya oo laga Cabsi Qabo Inuu Qarxo

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku

Warar laga helayo Dagaalo ka dhacay Deegaano Hoostaga Galmudug Sida Ceelhuur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Xalay ka dhacay deegaanka Biyo cadle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa ahaa mid

Xamse oo booqday ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ee ku dhaawacmay dagaalka lagula jiro Al shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay ku booqday isbitaalada Xooga dalka iyo isbitaalka Erdogan dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagula

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu
Ad
Previous articleMadaxweyne Erdogan oo cafis weydiistay shacabka Magaalo ka tirsan dalkiisa oo Dhawan Dhulgariir Ku Dhuftay
Next articleJiir laga helo Soomaaliya u fure u noqon karo xaalad caafimaad oo xal loo waayay