Home Wararka Maanta Sarkaal iyo dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab oo howlgal qorsheysan lagu dilay

Sarkaal iyo dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab oo howlgal qorsheysan lagu dilay

0

Ciidanka Xoogga dalka iyo Daraawiishta Jubbaland ayaa sheegay iney burburiyeen Fariisimo Al-shabaab ku lahayd deegaanka Miido ee Gobolka Jubbada hoose.

Howgal qorshaysan oo ay sameeyeen Ururka 5-aad Guutada 16-aad ee kumandooska Danab ayaa ka dhacay meel u dhow tuulada miido oo 26-KM u jira Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada hoose.

“Ciidamadu waxay halkaas ku dileen inta la xaqiijiyey ilaa 7 dhagar qabe oo uu ku jiro horjooge lagu magacaabo Asad waxaana looga dhaawacay 5 kale” ayuu yiri Taliyaha Ururka 5-aad Guutada 16-aad Danab Taliye Carab dheeg Axmed

Howlgalkan ayuu taliyuhu sheegay in laga soo furtay 4-qori oo ah nooca AK-47, 1-qori oo BKM ah wuxuuna xusay iney sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda Jubada Hoose.

 

Ad