Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Puntland Sarreeye Guuto Muumin Cabdi Shire oo ku sugan waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa la kulmay saraakiisha amniga gobolka Mudug, isaga oo kala hadlay arrimaha ammaanka ee gobolka.
Muumin Cabdi Shire ayaa ugu horreyntii boggaadiyay howlgalladii ugu dambeeyey ee ka dhacay gobolka Mudug, kaas oo oo lagu qabtay xubno Shabaab ah iyo kuwa kale oo liddi ku ahaa amniga magaalada Gaalkacyo.
Sidoo kale taliyaha ayaa ku amray dhammaan hay’adaha ammaanka inay laba jibbaaran howlgallada lagu xaqiijinayo amaanka, si looga hortegao weerarada kooxaha Argagixisada.
Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in la howlgelin doono ciidamo isku dhaf ah oo howlgallo ka bilaabi doono Gaalkacyo, si loo xoojiyo ciidamada halkaas ku sugan.
Amarka lasiiyay ciidamada Puntland ayaa kusoo aadayo, ayada oo dhowaan magaalada Gaalkacyo lagu qabtay diyaarado Drones ah oo raggii waday oo gaaraya illaa 7 nin.
Diyaaradaha oo ahaa kuwa aan duuliyaha lahayn ayaa waxaa noocooda lagu sheegay kuwa is qarxiya ee loo yaqaanno Kamikaze, waaxaana loo waday kooxda Al-Shabaab.
Muddooyinkii u dambeeyay Puntland ayaa xoojisay amniga deegaanadeeda, waxayna gacanta kusoo dhigtay Shabaabkii ugu badnaa oo qaarkood lagu toogtay maamulkaasi