Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa gaaray deegaanka Maarsa-mage oo hoos yimaada degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud si ay u dhiiri-galiyaan Ciidanka xoogga dalka iyo dadka deegaanka ee dagaalka kula jira kooxaha argagixisada ah ee Al shabaab.
Saraakiisha ayaa la kulmay qeybaha kala duwan ee bulshada, waxaana ay kala hadleen doorka bulshada ee ka qeyb-galka iyo muhimada ay leedahay in cadowga laga xoreeyo deegaanada gobolka Galgaduud.
Ad