Home Wararka Maanta Sanbaloolshe Sulub Madaale oo Deg Deg loogu Yeeray(Sawiro)

Sanbaloolshe Sulub Madaale oo Deg Deg loogu Yeeray(Sawiro)

0

Wasaaradda amniga gudaha Soomaaliya ayaa maanta kulan xasaasi ah isugu yeertay hay’addaha amniga, kadib weerarkii Jimcihii ka dhacay xeebta Liido.

Kulanka oo looga hadlay amniga Muqdisho ayaa waxaa iskugu yimid hay’adaha amniga heer federaal iyo maamulka gobolka Banaadir, kaas oo ka qabsoomay xarunta taliska booliska Soomaaliyeed.

Kulankaan ayaa waxaa shir-gudoominayay wasiirka amniga Sareeye-guuto Cabdullahi Shiekh Cismaan Fartaag, waxaana ku wehlinayay taliyaha ciiidanka booliska S/guuto Sulub Axmed Firin, agaasimaha NISA Cabdullahi Maxamed Sanbalooshe iyo Guddoomiyaha gobolka Yuusuf Madaale.

Inta badan kulanka intuu socday waxaa lagu dheeraaday xaalada amniga ee caasimadda iyo sidii loo sii xoojin lahaa, si aysan markale uga dhicin wixii Jimcihii ka dhacay xeebta Liido, kaas oo lagu laayay dad badan oo shacab ah oo aan waxba galabsan.

Weerarkii xalay oo muujinaya sida bahalnimada ah ee Al-Shabaab uga go’an tahay gumaadka shacabka Soomaaliyeed ayaa waxaa ku naf waayey illaa 37 qof, halka dhaawacana uu gaaray illaa 247 qof oo la geeyay isbitaallada magaalada Muqdisho.

Dowladda ayaa weerarkan durba usoo xirtay dhammaan saraakiishi qaabilsaneyd amniga aagga xeebta Liido, waxaana socda baaritaanno ku aadan sida kooxda ugu suurta-gashay inay gaaran halkaasi.

Si kastaba, weerarkan ayaa muujinaya sida kooxda Al-Shabaab ay xooga usoo saartay caasimada, ayada oo dhawaan ka fulisay weeraro isxig-xigay, kaas oo mid kamid ah lagu qaaday xabsiga dhexe halka kan kale lagu beegsaday maqaayad ku taalla degmada Boondheere ee gobolka

Ad
Previous articleDowlada Mareykanka oo Bariga Dhexe u dirtay Markabka USS Abraham Lincoln iyo saanad dagaal
Next articleIsmaaciil oo ku Geeriyooday Qarixi liido oo Maydkiisa Laga helay Ceel macaan