Magaalada Buulo Burte ee Gobolka Hiiraan Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle waxaa ka dhacay kulan dhexmaray Taliyaha Hay’adda Nabadsugidda & Sirdoonka NISA oo ay dhinac taagan yihiin saraakiil kale iyo Odoyaasha Dhaqanka Magaaladaas.
Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa Gobolka Hiiraan si buuxda ula wareegay mas’uuliyadda amni, wajiga koowaad ee howlgalka ka dhanka ah Isbaarooyinka ayuu sameeyay.
Cabdullaahi Sanbaloolshe ayaa guda galay qaybta labaad oo ah dardargelinta howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ si looga qabsado deegaannada ay ka joogaan Gobolka Hiiraan Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle.
Dhinaca kale, waxaa Gobolka Hiiraan ka socda kulamo kale oo looga arrinsanayo diyaarinta ciidamadii ku dhqaaqi lahaa howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ kuwaas oo la howlgalla Ciidanka Federaalka iyo kuwa Daraawiishta.