Home Wararka Maanta Sanbaloolshe oo natiijo Dadbadan ku Farxeen ka soo Hooyay Gobalka Hiiraan

Sanbaloolshe oo natiijo Dadbadan ku Farxeen ka soo Hooyay Gobalka Hiiraan

0

Dadaalladii nabadeynta iyo dib-u-heshiisiinta ahaa ee maalmihii la soo dhaafay ka socday gobalka Hiiraan ayaa u muuqda kuwa laga gaaray natiijo wax-ku-ool ah oo ay dad badan rajo ka qabaan inay billow u noqon karto xal-u-helidda xaaladaha amni iyo kuwa siyaasadeed ee gobalka.

Sida aan ka soo xigannay dad xogogaal ah, horumarka hadda laga gaaray arrinta gobalka Hiiraan ayaa loo sababaynayaa kaalinta hoggaamineed ee ay qaateen mas’uuliyiinta ka soo jeedda gobalkaas oo uu ugu horreeyo Taliyaha Nabadsugidda Qaranka C/llaahi Sanbalooshe.

Taliyaha oo mudo 10 maalmood ah ku maqanaa Hiiraan ayaa maanta soo gabagabeeyay safarkiisa, waxaana arrimaha uu xalka ka gaaray ka mid ahaa:

1. In dib xeyndaabka dawladnimada loogu soo celiyo garabka Hiiran State oo ku sugnaa Feerfeer Itoobiya oo uu hoggaaminayay Abdullahi Ganey

2. ⁠In si nabad ah gacanta dawladda loogu soo celiyo xaruntii gobalka Hiiraan, ka dib markii la qanciyay garabka Hiiran state ee uu horkacayay Colow oo ku sugnay Xarunta.

3. ⁠In dib loo abaabulo, safafka halgamayaashii deegaanka ee Macawiisleyda oo la mideeyay cududdooda si mar labaad loo dardargaliyo dagaalka ka dhanka ah AS,

4. ⁠in la xaliyay xiisaddii ka dhalatay Askartii lagu laayay Ceelbaraf iyo in xalkaas ay si weyn uga baxeen Duubabka Dhaqanka Mudullood uu hoggaaminayay Imaam Daahir Imaam Maxamuud.

5. ⁠In la qaaday isbaaroyinkii yaalay Beledweyne oo sababta u ahaa sicirbarar dhanka maciishadda ah oo ay ku dhibbanaayeen dadka deegaanka.

Kulan Dhexmaray Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Dhigiisa Jabuuti Ismail:- Sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga

Israel oo Duqeymo ka geysatay Saldhigyo uu la Wareegayo Turkiga

Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa fuliyey in ka badan 15 duqeyn oo lagu qaaday garoonka diyaaradaha ee Hama, taasoo socotay xalay qiyaastii saacad iyo bar. Afhayeenka ciidamada Israa’iil ayaa sheegay

Warar laga helayo dagaal culus oo ka socda Galbeedka gobolka Mudug

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya inuu haatan dagaal beeleed xoogan uu ka socdo inta u dhaxeysa deegaanada Jiicboor iyo Saax qurun oo dhaca Galbeedka gobolka Mudug. Dagaalkaan oo

Maamulka Koonfur Galbeed oo soo bandhigtay xubno kasoo baxsaday Kooxda Al shabaab

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Afar Xubnood oo katirsanaa Kooxda Al shabaab ay isku soo dhiibeen Ciidamada Booliiska Gaar ahaan laanta Baarista Dembiyada CID-da ee Gobolka Bay.

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay
Ad
Previous articleAlshabaab oo Qarax Culus ku laayay Shacab Safar ahaa
Next articleSheekh Shariif oo sheegay in Dowlada ay Ardayda Iskuulada u Isticmaaleyso Doorashada Qof iyo Cod