Home Wararka Maanta Sanbaloolshe oo ku Guulaystay inuu Xalinta Askartii Qaran ee Ceelbaraf lagu laayay

Sanbaloolshe oo ku Guulaystay inuu Xalinta Askartii Qaran ee Ceelbaraf lagu laayay

0

Taliyaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa saaka safar dhulka ah ku gaaray magaalada Beledweyne, isaga oo kasoo baxay degmada Maxaaas.

Taliyaha ayaa maalmahan gobolka Hiiraan u joogay arrimo ku aadan xal u helista xiisadda ka dhalatay askartii dhowaan lagu laayay deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Sanbaloolshe ayaa lagu soo warramayaa in haatan kulan uu la leeyahay Ugaaska Beesha Xawaade Ugaas Yuusf Ugaas Xasan iyo odayaal ka baxay Muqdisho oo uu hoggaaminayo Imaamka Mudulood Imaam Daahir Imaam Maxamuud Imaar Cumar, waxayna ka wada-hadlayaan dhacdadii Ceel Baraf.

Wararka ayaa sheegaya in labada dhinac ay go’aan ku gaareen in marka hor la aaso maydadka askarta oo weli yaalla, kadibna la guda galo howlaha kale.

Sidoo kale wada-hadallada oo sii socda ayaa lasoo warinayaa in lagu ballamay in laga war suga dadaallada ay waddo dowladda dhexe, maadaama askarta la dilay ay ka tirsanaayeen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Kiiska askarta la dilay ayaa dhaliyay xasaasiyad wayn, waxaana ka carooday beesha Xawaadle, iyada oo sidoo kale keentay in qaar kamid ah ciidamada dowladda oo gadood sameeyay ay kasoo baxaan furimaha dagaalka, walow mar dambe dib loogu celiyay.

Askarta la dilay waxay gaareysaa 7 askari oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo ka fasax qaatay saldhigii ay ka tirsanaayeen ee deegaanka Xawaadley, maleeshiyaad hubeysan oo jidka u galay ayaa ciidankaas ku laayey deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Sh/Dhexe.

Kaalmada Caruurta ee Sweden oo hoos u dhacday Mudo 50 sano ah

Xisaabaadka cusub ayaa muujinaya in qiimaha masruufka carruurta (Barnbidrag) ee Iswiidhan uu hoos ugu dhacay heerkii ugu hooseeyay muddo nus qarni ah, marka la xisaabiyo qiimo joogto ah. Qiimaheeda dhabta

Mareykanka oo diiday maalgelinta Qaramada Midoobay ee Ciidamada Midowga Afrika Ee Soomaaliya

Mareykanka ayaa si cad u diiday inuu taageero qorshaha Qaramada Midoobay ee lagu maalgelinayo ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AUSSOM, kuwaas oo ka howlgala Soomaaliya. Tallaabadan ayaa dhalisay walaac

Dowlada Mareykanka oo Yareeneysa Awooda Safaaradiisa Muqdisho iyo Xiritaanka Safaarado kale

Dowladda Maraykanka ayaa qorshaynaysa in ay xidho ku dhawaad 30 safaaradood iyo qunsuliyadood oo ay ku leedahay waddamada caalamka, sida ku xusan dhukumeentiyo ay heshay CNN oo ay diyaarisay Waaxda

Raisal Wasaare Xambe Bare oo lagu Wareejiyay 25 kamid ah Maxaabiista Somaliland

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa la wareegay 25 maxbuus oo kasoo jeeda Somaliland, kuwaas oo lagu qabtay dagaalladii ka dhacay gobolka Sool, sida lagu sheegay warmurtiyeed

Magaalada Muqdisho oo Rasi ah looga bilaabay Diiwaangalinta Doorasho Qof iyo Cod

Waxaa maanata magaalada Muqdisho si rasmi ah uga bilaawday diiwaangalinta cod bixiyayaasha oo ah talaabadii ugu dambeysay ee ka harsanayd bilaabashada doorashada qof iyo codka ah ee golayaasha deegaanka. Guddoomiyaha
Ad
Previous articleSoomaaliya oo 54 Sano Kadib ku Biirtay Golaha Amaanka Qaramada Midoobay
Next articleFaahfaahin kumuu ahaa ninka Shalay Dadka Badan ku Xasuuqay Maraykanka?