Sanadka 2021 waxyaabaha lagu xusuusanayo marka ay timaado marxalada kala guurka iyo xiisadihii siyaasadeed ee sababi gaaray in dalka dagaal sokeeye uu ka dhaco waxaa ka mid ah saddex tallaabo oo Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo u qaaday inuu xukunka ku dheereysto, balse ku hungoobay:
➡️ 7- Febraayo. Maalin ka hor dhammaadkii muddo xileedka Afarta sano ee Madaxweyne Farmaajo shirkii Dhuusamareeb 4 ayuu ka soo tagay, iyadoo intii badneyd qodobadii la isku mari la’aa xal laga gaaray, waxaana dalka ay gelisay hubanti la’aan doorasho inay dalka ka dhacdo, qalqal siyaasadeed iyo mid Amni.
➡️ 12 April Muddo kordhintii labada sano ee Golaha Shacabka uu u sameeyay Farmaajo, taasoo ka dhashay kacdoon hubeysan oo lagala horyimid iyo dagaaladii ka dhacay Muqdisho 25 April oo ugu dambeyn sababay in laga laabto muddo kororsigii labada sano, dibna loogu laabto heshiiskii 17 September, iyadoo Mas’uuliyadda Doorashada iyo Amniga lagu wareejiyay Ra’iisul Wasaare Rooble.
➡️ Isku daygii afgambiga ee 27 Ciidamo ka tirsan Madaxtooyada ay doonayeen inay kula wareegaan Xafiiska Ra’iisul Wasaare Wasaaraha, iyada oo ciidankaas fulinayeen War saxaafadeedkii Villa Somalia ee shaqo ka joojinta Ra’iisul Wasaare Rooble, oo illaa iyo hadda xiisadeeda taagan tahay, dhacdooyinkii taariikhda galay ee uu sanadka 2021 la galbaday ay ka mid tahay in Villa Somalia ay ciidamo isku hor fadhiyaan.