Home Wararka Maanta Salaadiinta Somaliland iyo Garaadada SSC-Khaatumo oo si wadajir ah nabad ugu baaqay

Salaadiinta Somaliland iyo Garaadada SSC-Khaatumo oo si wadajir ah nabad ugu baaqay

0

Qaar kamid ah salaadiinta ugu sarreeya ee Somaliland iyo garaadada SSC-Khaatumo oo si aan rasmi ahayn ugu kulmay xaflad caleemo-saar oo ka dhacday Deegaanka Soomaalida ayaa si wadajir ah ugu baaqay nabad.

Ugu horreyn, Garaadka Guud ee SSC-Khaatumo, Garaad Jaamac Garaad Cali, ayaa Suldaanka Guud ee Somaliland, Suldaan Daa’uud Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ugu baaqay inuu nabadda kala shaqeeyo.

“Suldaan Daa’uudow, gurigaaga uma socdee, kaalay Soomaali u caddee in aadan gurigayga u socon. Waan kala nabad-galaynaa e,” ayuu yidhi Garaad Jaamac isaga oo la hadlayay Suldaan Daa’uud.

Suldaanka Daa’uud ayaa sheegay inuusan marnaba rabin in dad Soomaaliyeed ay islaayaan, isla markaana ay dhankiisa ka go’an tahay nabad, isaga oo ka jawaabayay baaqii Garaad Jaamac.

“Waxaan halkan ka caddeynayaa inaanan guri dad Soomaaliyeed ku nool yahay ku socon. Garaad, aynu dadkeenna midaysanno oo aynaan anagu gurigaaga duulaan ku ahayn, adiguna aanad kayaga duulaan ku ahayn. Ilaahay iyo ummadda Af-Soomaaliga ku hadashaaba waakan markhaati,” ayuu yidhi Suldaan Daa’uud.

Garaadka iyo Suldaanka ayaa goobta isku gacan qaaday iyaga oo midba midka kale u ballanqaaday inay nabadda ka shaqayn doonaan. Sidoo kale, waxay iska cafiyeen eedo ay hore hawada isku mariyeen.

Inkastoo salaadiintani si aan ku talagal ahayn ugu kulmeen goob lagu caleemo-saarayey mid kamid ah madaxda dhaqanka Deegaanka Soomaalida, haddana is-laab-xaadashadoodu waxay muujinaysaa ifafaale nabadeed.

Colaadda ka dhex taagan Somaliland iyo SSC-Khaatumo weli xal lagama gaadhin.

Ad
Previous articleMagaalada Garowe oo kufsi loogu geystay labo gabdhood oo kasoo jeeda qoysaska soo barakacay
Next articleXubno ka tirsan Kooxda Shabaab oo lagu dilay Deegaano ka tirsan Galmudug