Home Wararka Maanta Sakariye Siciid Salaad oo Goordhow Lagu Dilay Magaalada Gaalkacyo iyo Faahfaahin...

Sakariye Siciid Salaad oo Goordhow Lagu Dilay Magaalada Gaalkacyo iyo Faahfaahin kasoo Baxaysa Dilkiisa

0

Wararka ka imaanaya Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee maamulka Puntland ayaa sheegaya in goordhaw halkaasi kooxo hubeesan ku dileen Madixii Waaxda Barakacayaasha Dowladda-hoose ee degmada Gaalkacayo, Sakariye Siciid Salaad .

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in dhallinyaro biskoolado ku hubeesan ay toogteen  Sakariye Siciid Salaad xilli uu ku sugnaa xero barakac uu shaqo u joogay, waxaana dilka kadib goobta si degdeg ah uga baxdsay kooxdii fulisay dilka qorsheesan.

Ciidamada ammaanka maamulka Puntland ayaa daqiiqado kadib soo gaaray goobta uu dilku ka dhacay, ciidamada ayaana halkaasi ka sameeyay howlgalo baaritaano ah oon wali la ogeyn in dad la tuhmayo lagu soo qabtay.

Ammaanka Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee maamulka Puntland ayaa muddooyinkan dambe kasoo reenayay, waxaana magaaladaasi ku yaraaday dilalka qorsheesnaa ay fulin jireen kooxaha hubeesan.

Maamulka Puntland ayaa toogasho ku fuliyay rag lagu eedeeyay in dilal qorsheesan ka fulin jireen magaalada Gaalkacyo,waxaa sidoo kale xabsiyo ku jira rag kale oo iyagana qaarkood xukuno dil ah lagu riday kuwaa oo la sheegay in Al Shababa katirsan yihiin.

Ciidan Tababar ahaan u joogay Turkiga oo isku Qacan Qaaday gudaha xerada Tababarka

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa Askar Soomaali tababar u joogtay Turkiga oo kubbad ciyaarayay oo dagaal ka dhex qaraxay, taasina waxay keentay in ay dhawacmaan ilaa iyo 24

Puntland oo sheegtay in Aqoonsiga Qaranka uu Noqday mashruuc hanti urursi ah oo culays ku ah shacabka Soomaaliyeed

Puntland ayaa si cad uga hortimid diiwaangelinta kaarka aqoonsiga qaranka (National ID) ee dowladda Fecderaalka Soomaaliya, iyada oo sheegtay in qorshahan uu yahay mid siyaasadaysan, loogana dan leeyahay doorashooyin aan

Maxaad ka ogtahay muhiimada Soomaaliya u leedahay diyaaradaha dagaalka ee Bayraktar Akinci

Labadii diyaaradood ee ugu horreyay oo ah nooca aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar AkÄħnci ,ayaa shalay gaaray magaalada Muqdisho, iyadoo ay milkiyadooda leedahay Soomaaliya. Diyaaradaha oo ay ku xiranyihiin tiknoolajiyad

Dalalka Ruushka iyo Ukraine oo iska bur-biriyay Kaabayaasha Dhaqaale ee Muhiimka

Dowladaha Ruushka iyo Ukraine, ayaa wali sii wada duqeymo culus ay is dhaafsanayaan, kuwaa oo waxyeelo xooggan gaarsiiyay kaabayaal dhaqaale oo labada dalba muhiim u ahaa. Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin

Furuumaha Dagaalka ee Dowlada oo loo diray Dhaqaatiir iyo Gurmad Xoogan

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA) ayaa furimaha gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe u dirtay dhaqaatiir, gawaarida gargaarka degdegga ah iyo daawo luugu tala-galay in lagu taageero geesiyaasha xaq u dirirka ah
Ad
Previous articleHay’ada Xuquuqul Insaanka ee Human Rights Watch oo Kadigtay Ciidamada Maraykanka ee Soomaaliya Lagu Soo Celinaayo
Next articleTurkiga oo shuruudo adag Ku xiray Sweden iyo Finland