Gaari ayaa jiiray dad isugu soo ururay magaalada Nunspeet ee dalka Nederland, sida ay booliisku ku sheegeen barta X.
Booliisku waxay ku tilmaameen dhacdada “mid halis ah”, balse illaa hadda ma jiro wax muujinaya in ay ahayd fal si ula kac ah loo sameeyay, sida ay booliisku qoreen.
– booliska ayaa intaasi ku daray inay bilaabeen baaritaan ku aadan arintan.
Sagaal qof ayaa ku dhaawacmay, waxaana ka mid ah saddex qof oo si daran u dhaawacmay.
Booliiska, dab-damiska iyo adeegyada ambalaaska ayaa si weyn u gaaray goobta, sidoo kale diyaarado qumaatiga u kaca oo gurmad ah ayaa loo diray, sida ay sheegtay warbaahinta Nederland ee De Telegraaf.
Nunspeet ayaa ku taallaa bartamaha dalka Nederland.
Wararka ugu Danbeeyay ee Maanta
Ad



