Safiirka UK ee Mexico ayaa lagu soo warramayaa in uu ka tagay shaqada horaantii sanadkan kaddib markii uu qori ku taagay mid ka mid ah shaqaalaha safaaradda oo ah dadka deegaanka.
Muuqaal fidiyow ah oo la soo dhigay baraha bulshada oo markii ugu horeysay ay warisay Financial Times ayaa lagu arkay Jon Benjamin oo qori ku beegsanaya nin kale. Waxaana ku hoos qornaa si kaftan ah “Dilalka joogta ee ay geysanayaan kuwa maandooriyaha ka ganacsada”
Mr Benjamin kama hadal ilaa hadda kaftanka sida xun loo dhigay, mana jiraan war rasmi ah oo ku saabsan jagada Mr Benjamin oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda UK balse kuma jiro magaciisa in uu safiir yahay bogga wasaaradda.
Mr Benjamin ayaa hore safiir uga soo noqday Ghana iyo Chile, sumcadiisuna way ku duwaneyd heerka diblomaasiyiitna kale ee UK.
Afhayeen u hadlay xafiisk arrimaha dibadda UK ayaa sheegay in ay la socdaan dhacdadaas, ayna qaadeen tallaabooyinka ku haboon.
In ka badan 30 kun ayaa lagu dilay Mexico sanadkii la soo dhaafay. Wadanka waxaa ka jira sharciyo adag oo la xiriira hubka.