Home Wararka Maanta Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo ka hadashay Dhalinyaro Tiktoker oo Geeriyootay Xili...

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo ka hadashay Dhalinyaro Tiktoker oo Geeriyootay Xili ay Muuqaal ku Duubayeen Wadooyinka

0

Safiirka dowladda Fedaraalka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Jibriil Ibaahim Cabdulle ayaa sheegay in dowladda Kenya aya kaga soo dacwootay dhalinyaro Soomaali ah oo muqaalo isaga soo duuba wadooyinka waa weyn ee dalka Kenya.

Danjire Jabriil Ibraahim ayaa dhalinyarada Soomaaliyeed uga digay in wadooyinka isaga duubaan muuqaalo halis galinaya naftooda, isagoona xaqiijiyay in laba ka mid ah dhalinyarada Soomaaliyeed ay shil gaari ku dhinteen iyagoo wadada isaga duubaya muqaal.

“Dhalinyarada Tiktok-ga iskaga Duuba waddoyinka iyo kuwa Safaaradaha ku orda Dacwooyin badan ayaa ka yimid, dhalinyarada TikTok-ga isaga duuba magaalada Nairobi gaar ahan kuwa waddooyinka Sawirada isaga qaada waxaa ku dhintay 2 qof, Khatartaas waa mid dhaawici karta Sumcadda Soomaalida” ayuu yiri Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Jibriil Ibraaahim Cabdulle.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa ugu baaqay dhalinyarada ku howlan iney wadooyinka isaga duubaan muuqaalada ay u isticmaalaan TikTok-ga iney jiraan meelo badan oo ay ku duuban karaan oo aanan nafsadooda wax halis ah galinen.

“Barnaamijka aad sameynaysaan wuxuu bixinayaa laba arrimood oo kale ah in aad magac xun ka bixinaysaan muuqaalka dhaqanka umadda Soomaaliyeed, midna naftaada ayaad halis gelinaysaa, waxaan leeyahay dhalinyarada muqaalada ku duubta hoteelada guryaha iyo meelaha kale ee quruxan oo aysan wax dhib ah idinka soo gaareen, Fadlan in aad gaari isku dhigto waa qalad, waana dambi” ayuu yiri safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Jibriil Ibaahim Cabdulle.

Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa culumadda ka codsaday in ay ka hadlaan khatarta ka dhalan karta  isticmaalka Social Media ee wadooyinka, Iyadoo Dhalinyaro Soomaaliyeed ayaa naftooda ku waayay iyaga oo social media si khaldan u isticmaalaya.

Hadalkan kasoo yeeray Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa kusoo aadaya, iyadoo dowladda Kenya ay dhawaan si adag uga digtay in dhalinyarada Soomaaliyeed ay muqaalo isaga soo duubaan wadooyinka waa weyn ee dalka Kenya.

Ad