Home Wararka Maanta Safaaradadii Soomaaliya ew Sudaan oo la Bililiqaystay iyo Safiirka Dalkaas oo Ka...

Safaaradadii Soomaaliya ew Sudaan oo la Bililiqaystay iyo Safiirka Dalkaas oo Ka Hadlay(Sawiro)

0

Maleeshiyaad hubeysan ayaa maanta bililiqeystay gaadiidkii safaaradda Soomaaliya ee dalka Suudaan, sida uu xaqiijiyey safiirka Soomaaliya ee dalkaas Amb. Maxamed Sheekh Isxaaq, dalka Suudaan ayaa cagaha la galay dagaallo sokeeye iyo kala dambeyn la’aan.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Suudaan Amb. Maxamed Sheekh Isxaaq ayaa qoraal uu ka soo saaray arrintaan wuxuu ku yiri, “Waxaan cambaareynayaa falkii wuxuushnimada ahaa ee lagu bililiqeystay Guriga aan ka deganaa magaalada Khartoum ee dalka Suudaan, lana qaatey gawaarigiidii Safaaradda Soomaaliyeed, falkaas wuxuushnimada ah waxaa sameeyey maaleeshiyaad hubeysan oo aan ixtiraameynin qawaaniinta caalamka iyo xurmadaha ay leeyihiin xarumaha Diplomasiyiinta.“

Ad
Previous articleShirka urur goboleedka IGAD oo Jabuuti ka Furmay
Next articleMaxay yihiin shaqooyinka la siiyay ee ay ka cabanayaan Soomaali toban maalin ka hor loo qaaday Canada?