Home Wararka Caalamka Safaarada Mareykanka oo amartay Madaxda Maamul Gobaleedyada in Muqdisho aysan ka bixi...

Safaarada Mareykanka oo amartay Madaxda Maamul Gobaleedyada in Muqdisho aysan ka bixi karin

0

Safiirka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa amar ku siiyay Madaxda Dowlad Goboleedyada in aanay jirin cid Muqdisho ka tagi karta illaa heshiis laga gaaro.

Qoraal uu bartiisa Twitterka soo dhigay, isagoo sii adkeynayay war saxaafadeedki Beesha Caalamka ayuu ku sheegay in aanu fashilku aheyn ikhtiyaar ee loo baahan yahay in heshiis la gaaro oo aan la bixin

“Dadka Soomaaliyeed waxay rabaan hadda doorasho” ayuu yiri Yamamoto oo magac dhabay shanta Madaxweyne Dowlad Goboleed.

Warar soo baxayay ayaa sheegayay in mid ka mid ah Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada xiriirka la leh Villa Somalia uu doonayay inuu dib ugu laabto deegaankiisa, waxaana farriinta Safiirka Mareykanka digniin u aheyd in Muqdisho laga tago iyadoo aan la shirin.

Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada ayaa ku wada sugan Muqdisho, iyadoo Madaxweynaha Koofur Galbeed oo la sugayay uu maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho.

Shirka loo balansan yabay inuu dhex maro Madaxda dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ayaa berri ka dhici doona Xarunta Afisyooni ee garoonka diyaaradaha.

 

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay

40 xubnood oo Al-shabaab looga dilay dagaalo iyo duqeymo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo iyo duqeymo ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalada ayaa la tilmaamay

Qaranka Soomaaliya ee 17jirada oo maanta wajahaya dhigooda Xulka Tunisia koobka Qaramada Qaarada Afrika

Xulka Qaranka Soomaaliya ee da'doodi ay ka yar tahay 17 jirada ayaa maanta wajihi doona xulka Qaranka dalka Tunisia ee da'doodi ka yartahay 17jira tartanka 15aad ee Koobka Qaramada Qaarada

Dowlada oo ka hadashey Hawlgaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Gobolada Shabeelooyinka

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed oo maanta shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay furimaha hore ee dagaalka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka

Gobolka Shabeellaha Dhexe oo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Kooxda Shabaab

Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay  ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka
Ad
Previous articleShirka Golaha Wasiirada Galmudug oo Looga Hadlay Arima Xasaasi ah
Next articleMadaxweyne Farmaajo oo gaaray Goobta shirka Lagu qabanayo.