Home Wararka Maanta Saddex walaalo ah iyo dad kale oo lagu laayey duqeyn ka dhacday...

Saddex walaalo ah iyo dad kale oo lagu laayey duqeyn ka dhacday Hiiraan(Sawiro)

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa duqeyn culus oo ay gelinkii dambe ee Isniintii diyaarado dagaal ka fuliyeen agagaarka degmada Jalalqsi ee gobolka Hiiraan, taas oo uu khasaare kasoo gaaray dad shacab ah.

Duqeynta ayaa si gaar ah uga dhacday deegaanka Quracley oo hoostaga degmadaasi, halkaas oo ay gacanta ku hayaan xoogaga kooxda Al-Shabaab.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo la hadlay Caasimada Online ayaa innoo sheegay in duqeynta ay ku dhinteen ugu yaraan illaa 7 qof oo shacab ahaa, ayna ku jiiraan Carruur.

Dadkan shacabka ah ee lala laayey oo dhalinyaro ahaa ayaa ku xirnaa goob ay dacwadaha ku qaadaan xubnaha Al-Shabaab, waana meesha lala bartilmaameedsaday duqeynta.

Qaar kamid ah dadka deegaanka oo aan la xiriirnay ayaa innoo xaqiijiyay in markii hore saddex kamid ah dhalinyarada ay Al-Shabaab u xireen fowdo dhacday deegaanka, halka afarta kalena ay meesha ugu geeyeen qado, sidaasna ay kula kulmeen duqeynta.

Todobada qof ee duqeynta lagu dilay ayaa saddex kamid ah waxay ahaayeen walaalo isla dhashay, kuwaas kala ahaa:- 1-Axmed Maxamed Nuur oo 20 sano jir ahaa 2-Cabdiqadar Maxamed Nuur oo 18 sano jir ahaa, 3-Qeys Maxamed Nuur oo 8 sano jir ahaa 4-Cumar Maxam Abuukar oo 18 sao jir ahaa 5-Cabdullaahi Maxamuud Ciise 6-Axmed Khadar Ibraahim Cismaan oo 13 sano jir ahaa 7-Casir Xasan Cabdi oo sina 14 sano jir ahaa.

Dhacdadan ayaa xanuun ku reebtay dadka deegaanka, gaar ahaan waalidiinta carruurtooda lagu laayey weerarkaasi dhanka cirka ah ee shalay ka dhacay gobolka Hiiraan.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dowladda federaalka, HirShabelle iyo maamulka gobolka Hiiraan oo ku aadan dhalinyaradaasi duqeynta lagu xasuuqay.

Hiiraan ayaa maalmihii u dambeeyay waxaa ka dhacayay howlgallo culus oo ay barbar socdeen duqeymo diyaaradeed oo uu Mareykanka ka fulinayey gobolkaasi oo jab xoogan lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabab, balse illaa iyo hadda cidna ma sheegan duqeyntan ay waxyeelada kasoo gaartay shacabka, gaar ahaan dhalinyaro ku nooleed duleedka Jalalaqsi.

Si kastaba, dhacdadan mid lamid ah ayaa horay uga dhacday deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose kadib markii duqeyn diyaaradeed lagu laayey shacab ku sugnaa halkaas.

Mareykanka oo diiday maalgelinta Qaramada Midoobay ee Ciidamada Midowga Afrika Ee Soomaaliya

Mareykanka ayaa si cad u diiday inuu taageero qorshaha Qaramada Midoobay ee lagu maalgelinayo ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AUSSOM, kuwaas oo ka howlgala Soomaaliya. Tallaabadan ayaa dhalisay walaac

Dowlada Mareykanka oo Yareeneysa Awooda Safaaradiisa Muqdisho iyo Xiritaanka Safaarado kale

Dowladda Maraykanka ayaa qorshaynaysa in ay xidho ku dhawaad 30 safaaradood iyo qunsuliyadood oo ay ku leedahay waddamada caalamka, sida ku xusan dhukumeentiyo ay heshay CNN oo ay diyaarisay Waaxda

Raisal Wasaare Xambe Bare oo lagu Wareejiyay 25 kamid ah Maxaabiista Somaliland

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa la wareegay 25 maxbuus oo kasoo jeeda Somaliland, kuwaas oo lagu qabtay dagaalladii ka dhacay gobolka Sool, sida lagu sheegay warmurtiyeed

Magaalada Muqdisho oo Rasi ah looga bilaabay Diiwaangalinta Doorasho Qof iyo Cod

Waxaa maanata magaalada Muqdisho si rasmi ah uga bilaawday diiwaangalinta cod bixiyayaasha oo ah talaabadii ugu dambeysay ee ka harsanayd bilaabashada doorashada qof iyo codka ah ee golayaasha deegaanka. Guddoomiyaha

Warar laga helayo Dagaal ka Socda Galmudug gaar ahaan Deegaanka Haamcaduur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo ka dhacay tuulada Haamcaduur oo hoostagta deegaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud, kaasoo dhexmaray ciidamada deegaanka iyo kuwa Al-shabaab. Dagaalka ayaa la
Ad
Previous articleOdoyaal Alshabaab Heshiis laso Galay oo Markale Lasoo Xiray
Next articleGudoomiye Madaale oo Shaaciyay Qorshe looga Hortagaayo Qaraxyada Kadib Weerarki Xarunta Gobalka Banaadir