Home Wararka Caalamka Saddex qof oo ku dhaawacmay rasaas ka dhacday guri ku yaalla Magaalada...

Saddex qof oo ku dhaawacmay rasaas ka dhacday guri ku yaalla Magaalada Malmö

0

Malmö – Saddex qof ayaa ku dhaawacmay fiidnimadii Talaadada kadib markii rasaas laga riday guri (villa) ku yaalla xaafadda Jägersro ee magaalada Malmö.

Booliiska ayaa sheegay in ay heleen wicitaan saacaddu markay ahayd 20:40 fiidnimo, kaas oo lagu soo sheegayay in dhawaqa rasaas laga maqlay deegaanka. Markii ciidamada booliiska ay gaareen goobta, waxaa la xaqiijiyay in rasaastu ka dhacday gudaha guriga.

Sida ay warisay TV4, mid ka mid ah saddexda qof ee la dhaawacay ayaa ku jira xaalad halis ah, halka labada kale ay “awoodaan inay hadlaan oo la xiriiraan”. Isla warbaahintaas ayaa sheegtay in booliisku ay qabteen nin dhalinyaro ah oo da’diisu ku jirto labaatameeyada, kaas oo lagu qabtay gaari taksi ah meel u dhow goobta dhacdada wax yar kadib. Waxaa lagu tuhunsan yahay inuu ku lug lahaa isku day dil.

Dhankeeda, wargeyska Aftonbladet ayaa qoray in saddex qof lagu toogtay gudaha guriga, balse booliisku weli si rasmi ah uma xaqiijin tirada saxda ah ee dhaawacyada ama heerka dhaawacooda. Afhayeenka booliiska Jakob Palmgren ayaa sheegay in “ugu yaraan hal qof loo qaaday isbitaalka”.

Booliiska ayaa wali wada baaritaanka dhacdadan.

Ad