Home Wararka Maanta Sadaam: Xasuusta Qofkii aan Dilay ayaan Xabsiga uga jiri la’ahay’

Sadaam: Xasuusta Qofkii aan Dilay ayaan Xabsiga uga jiri la’ahay’

0

Nin fal dil ah oo uu geystay xabsi ugu jira ayaa doonaya in dadka kale ay iska ilaaliyaan khaladkii uu isaga sameeyay ee u horseeday inuu gacantiisa qof ku dilo.

Sadam Essakhil oo ka hadlayay wareysi looga qaaday xabsiga dhexdiisa ayaa sheegay inaan loo baahneyn inuu toorri isticmaalo markii ay nin kale isku dagaaleen magaalada Birmingham, halkaasoo hal naf ay ku go’day, hooyana ay wiilkeeda kali ahaa ku weysay.

Wuxuu sheegay in haddii dadka kale ay waddadiisa racaan, ay xabsiga dhexdiisa ku ugaarsan doonto ruuxaanta qofka ay dileen, sida isagaba ku dhacday.

Essakhil wuxuu hadda safka hore uga jiraa ol’olaha ka hor tagga dambiyada lagu geysto toorriyaha ee ay wadaan booliska ka howl gala ismaamul goboleedka West Midlands.

“Mar walba waan ka qoomameeyaa ficilkii aan geystay. Waxaan bannaanka u baxay anigoo aaminsan in toorrida aan nafteyda ku difaacayo laakiin ma garaneynin waxa aan iska difaacayo.

Hdda markii aan xabsiga ku jiro anigoo kaligey ah waxaan mar walba ka fikiraa, xabsigana aan uga jiri la’ahay xasuusta ku saabsan qofkii aan naftiisa inay go’do sabab u noqday.

Runtii wax wanaagsan ma aha in mar walba ay niyaddaada kusoo noq-noqoto xaqiiqda ah inaad qof dishay, gaar ahaan marka aad kaligaa xabsi ku dhex jirtid. Habeen walba waxaa anigoo soo jeeda ku qarwaa dilkii aan geystay, wax aan smaeyn karana ma jiro”, ayuu yiri.

Ninkan wuxuu hadda qaadanayaa xabsi daa’in uu ku muteystay dil uu geystay markii uu 15 sano jiray, xilligii uu ardayga iskuulka ahaa.

Inkastoo uu horay u beenin jiray inuu dambi ku leeyahay wixii dhacay, ugu dambeyn hadda wuxuu qirsan yahay khaladka uu sameeyay.

Isaga iyo saaxiibkiis Abdullah Atiqzoy oo 18 jir ahaa ayaa wada socday markii uu dagaal ka dhex billowday iyaga iyo Likas, oo isagana saaxiibkiis uu la socday.

Lukas wuu ku geeriyooday halkaas, saaxiibkiis Joseph Dudek isagana waxaa loo geystay dhaawac aad halis u ah.

Essakhil markii uu falkaas dhacay wuu ka cararay waddanka laakiin markii dambe wuxuu isku dhiibay booliska dalka Belgium. Atiqzoy qudhiisa waxaa lasoo xiray isagoo damacsan inuu u baxsado dhinaca Faransiiska, wuxuuna hadda ku xukuman yahay 26 sano oo xabsi ah..

Sanadkii 2018-kii, ku dhawaad 70 oo carruur ah ayaa waxyeellada toorriyaha loogu geystay West Midlands iyo nawaaxigeeda. Horaantii sanadkanna, saddex dhalinyaro ah ayaa 12 maalmood gudahood lagu dilay.

Sadam Essakhil wuxuu weerar toorri ah ku dilay Lukasz Furmanek taariikhdu markii ay ahayd 31 May 2015.

Muqdisho oo Laga Ambabixiyay Ciidan ka tirsan Booliska oo ku Wajahan Jiidaha Dagaalka:- Sawiro

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi oo uu wehliyo Taliye ku xigeenka Sarreeye Guuto Cismaan Cabdullaahi Maxamed ayaa Magaalada Muqdisho ka sagootiyey Ciidamo Boliiska katirsan oo ku

Madaxweyne Xasan Shiikh oo la kulmay hogaanka howlgalada ciidanka Cirka ee Somaliya :- Sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay Hoggaanka Howlgallada Ciidamada Cirka Soomaaliyeed ayaa ka dhagaystay guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada, gaar ahaan

Dowlada Somaliya oo Lagu Wareejinayo Diyaaradaha Turkiga ee Bayraktar Akıncı

Somalia ayaa heli doontaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar Akıncı ee casriga ah ee Turkiga si ay uga caawiyaan Ciidanka Xoogga dalka dagaalka ka dhanka ah Alshabaab. Akıncı waxay

Lacagta Dollarka Mareykanka oo Wajaheysa Hoos u Dhicii ugu Xumaa ee Taariikhda

Dollarka Mareykanka ayaa wajahaya hoos u dhicii ugu xumaa tan iyo sanaddii 2008-da, iyadoo ay sii kordhayso welwelka ku saabsan in siyaasadaha dhaqaalaha iyo arrimaha dibadda ee aan la saadaalin

Dowlada Mareykanka oo Sabab u Noqotay Xil ka badelka lagu Sameeyay Wasiirka Gaashaandhigga

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa isku shaandheyn iyo is beddel ku sameeyay qaar kamid ah golihiisa Wasiiradda, waxa uuna xilka ka qaaday kana saaray meesha labo Wasiir,
Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo Kulan Xasaasi ah La Qaatay Aadan Madoobe(Sawiro)
Next articleDhambaal Hambalyo ah oo ka Yimid Abiya Ahmed oo Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya lasoo Gaarsiiyay(Sawiro)