Home Wararka Maanta Sacuudiga oo daqiiqadihii ugu dambeyay dib u dhigay fulinta qisaasta nin Kenyaan...

Sacuudiga oo daqiiqadihii ugu dambeyay dib u dhigay fulinta qisaasta nin Kenyaan ah

0

Nin u dhashay dalka Kenya oo lagu waday in lagu fuliyo qisaas dil ah dalka Sacuudiga ayaa daqiiqadihii ugu dambeyay dib loo dhigay kadib olole ballaaran oo uu laga sameeyay baraha bulshada.

Stephen Munyakho, oo ah wiil uu dhalay saxafiga ruug-caddaaga ah ee Dorothy Kweyu, ayaa sannadkii 2011-kii lagu xukumay dil toogasho ah kadib markii uu dagaal dhimasho sababay uu la galay nin ay wada shaqeynayeen oo ku sugnaa Sacuudiga.

Sida laga soo xigtay “ololaha dib usoo celiyo Stevo”, oo ay maamulaan taageerayaasha Munyakho, labada shaqaale “waxa ay soo gaareen dhaawacyo mindi ah” laakiin kaliya Munyakho ayaa ka badbaaday. Sidaas darteed Munyakho ayaa lagu xukumay dil toogasho ah.

Sida uu dhigayo sharciga Sucuudiga, xukunka dilka ah waa laga baaqsan karaa haddii qoyska wax laga dilay ay oggolaadaan in la siiyo magdhow.

Qoyskiisa oo ku sugan dalka Kenya ayaa isku dayayey inay u ururiyaan lacagta Diyadda ah ee looga baahanyahay, taasoo ah saddex milyan iyo bar riyaalka Sucuudig ah ($940,000; £750,000), oo loogu talagalay qoyska marxuumka.

Isniintii, labo maalmood uun ka hor inta aan la dilin Munyakho, Xoghayaha Joogtada Arrimaha Dibadda Kenya ayaa sheegay in Sacuudi Carabiya ay “si naxariis leh u oggolaatay” codsigii dowladda ee ahaa in dib loo dhigo dilka si fursad loo siiyo “wada xaajood kale oo dhexmara dhammaan dhinacyada”.

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa

Dagaal Dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya oo laga Cabsi Qabo Inuu Qarxo

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku

Warar laga helayo Dagaalo ka dhacay Deegaano Hoostaga Galmudug Sida Ceelhuur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Xalay ka dhacay deegaanka Biyo cadle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa ahaa mid

Xamse oo booqday ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ee ku dhaawacmay dagaalka lagula jiro Al shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay ku booqday isbitaalada Xooga dalka iyo isbitaalka Erdogan dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagula

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu
Ad
Previous articleShirka Madasha Wadatashi Qaran oo beri Ka Furmaaya Muqdisho iyo Qoor Qoor oo Soo Gaaray Muqdisho
Next articleNin Waday Qaraxyo Waawayn oo lagu qabtay Boosaaso lana Soo Bandhigay(Sawiro)