Home Wararka Maanta Sacuudiga iyo soomaaliya oo Maantay kala saxiixday Heshiis Tariikhi ah

Sacuudiga iyo soomaaliya oo Maantay kala saxiixday Heshiis Tariikhi ah

0

 

Dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga oo kala saxiixday Mashaariic Horumarineed oo uu Sacuudigu maalgalinayo.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa kulan muhiim ah oo miro-dhal ah Xarunta Wasaardda Maaliyadda kula yeeshay Maamulaha guud ee Sanduuqa Horumarinta Dhaqaalaha Saudi Arabia Suldaan Abdulrahman Al-Marshad iyo masuuliyiin ka tocotay Dowladda Saudi Arabia oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda Soomaaliya oo haatan meel wanaagsan maraya iyo sidii loo maalgalin lahaa mashaariicda muhiimka ah ee ay si gaar ah Dowladda Soomaaliya mudnaan u siinayso. Intii uu socday shirka, Wasiirka Maaliyadda ayaa xaqiijiyay sida ay Dowladda Soomaaliya uga go’an tahay abuuridda fursado dhaqaale oo lagu maalgalinayo bulshada Soomaaliyeed, si sare loogu qaado dhaqaalaha dalka iyo wax-soosaarka.

Kulan kan oo ay goobjoog ahaayeen Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha, madaxda Bangiga Horumarinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya, Safiirada laba Dal ee Soomaaliya iyo Saudi Arabia ayaa waxaa lagu saxiixay heshiis is afgrad ah oo Dowladda Sucuudigu ay ku maalgalinayo qodista Ceelal Biyoodyo iyo horumarinayo Reer Miiga.

Talaabooyinka horumarineed ee lagu maalgalinayo ilaha dhaqaalaha Dalka ayaa ah natiijo ka dhalatay hannaankii deyn cafinta oo Dowladda Soomaaliya ay ku maamushay waddadii saxnayd ilaa laga gabagabeeyay.

Kaalmada Caruurta ee Sweden oo hoos u dhacday Mudo 50 sano ah

Xisaabaadka cusub ayaa muujinaya in qiimaha masruufka carruurta (Barnbidrag) ee Iswiidhan uu hoos ugu dhacay heerkii ugu hooseeyay muddo nus qarni ah, marka la xisaabiyo qiimo joogto ah. Qiimaheeda dhabta

Mareykanka oo diiday maalgelinta Qaramada Midoobay ee Ciidamada Midowga Afrika Ee Soomaaliya

Mareykanka ayaa si cad u diiday inuu taageero qorshaha Qaramada Midoobay ee lagu maalgelinayo ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AUSSOM, kuwaas oo ka howlgala Soomaaliya. Tallaabadan ayaa dhalisay walaac

Dowlada Mareykanka oo Yareeneysa Awooda Safaaradiisa Muqdisho iyo Xiritaanka Safaarado kale

Dowladda Maraykanka ayaa qorshaynaysa in ay xidho ku dhawaad 30 safaaradood iyo qunsuliyadood oo ay ku leedahay waddamada caalamka, sida ku xusan dhukumeentiyo ay heshay CNN oo ay diyaarisay Waaxda

Raisal Wasaare Xambe Bare oo lagu Wareejiyay 25 kamid ah Maxaabiista Somaliland

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa la wareegay 25 maxbuus oo kasoo jeeda Somaliland, kuwaas oo lagu qabtay dagaalladii ka dhacay gobolka Sool, sida lagu sheegay warmurtiyeed

Magaalada Muqdisho oo Rasi ah looga bilaabay Diiwaangalinta Doorasho Qof iyo Cod

Waxaa maanata magaalada Muqdisho si rasmi ah uga bilaawday diiwaangalinta cod bixiyayaasha oo ah talaabadii ugu dambeysay ee ka harsanayd bilaabashada doorashada qof iyo codka ah ee golayaasha deegaanka. Guddoomiyaha
Ad
Previous articleDagaal Markale Saakay Ka Dhex Qarxay Beelaha Sacad iyo laylkase
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Dagaal Culus oo Alshababa Isaga Dileen 40 qof oo Dhacay