Home Wararka Maanta Saciid Deni oo Hogaaminaya Tirinta Codad Wareega 1aad ee lasoo Dhameeyay

Saciid Deni oo Hogaaminaya Tirinta Codad Wareega 1aad ee lasoo Dhameeyay

0

Waxaa goordhaw soo dhammaatay wareegii koobaad ee tirinta codadka doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ay ku garaaceen ilaa 36-musharax oo hami badan ka leh ku guuleesiga xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Doorashada oo ah mid xiiso leh iyo xamaasad badan ayna ku musharaxan musharaxiin badan oo wax qabad ayaa waxaa ku haray wareega koobaad musharaxiin wax loo sawiray ku guuleesiga Madaxweynaha.

Wareega koobaad ee doorashada Madaxweynaha waxaa hogaaminaya Madaxweynaha Puntland Siciid Cabddulaahi Deni oo helay 65-cod halka Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu isna helay 61-cod, waxaana sii socda xiga Xasan Sheekh oo helay 52 cod halka Xasan Cali Kheyre oo galay galay 48-cod.

Doorashada wareega labaad waxaa u gudbay afarta musharax ee ugu codadka badan doorashada kuwaa oo kala ah Siciid Deni, Farmaajo, Xasan Sheekh iyo Xasan Cali Kheyre, afartan musharax ayaa u gudbi doona wareega labaad.

Musharaxiinta ayaa codadka u kala helay sida tan

1-Maxamed Cabdullaahi Farmaajo 61-cod

2-Xasan Cali Kheyre 48-cod

3-Shariif Sheekh Axmed 39-cod

4-Xasan Sheekh Maxamuud 52-cod

5-Saciid Cabdullaahi Deni 65-cod

6-Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame 15-cod

7-Cabduqaadir Cosoble Cali 12-cod

8-Cabdiraxman Macali Axmed Ablaal 2-cod

9-Thaabit Cabdi Maxamed 1-cod

10-Axmed Cudaale Geelle Xaaf 1-cod

11-Fowsiyo Yuusuf Xaaji 1-cod

12-Cabdi Aadam Hoosow 0-cod

13-Cabdi Cali Xasan 0-COD

14-Maxamed Cabdi Kuusow 0-COD

15-Cabdinuur Sheekh Maxamed 2-COD

16-Cabdiraxman Maxamed Cabdi 0-COD

17-Cabduqaadir Xuseen Jaahweyn 0-COD

18-Cabduqaadir Shekh Cali Baqdaadi 0-COD

19-Cabdullaahi Cali Axmed (Cadow Gees) 8-COD

20-Cabdulaahi Cali Xasan 0-cod

21-Abuukar Aadan Cabdulle 0-COD

22-Bashiir Xaaji Cali 2-COD

23-Xuseen Cabdi Nuunow 0-COD

24-Jamaal Axmed Ibraahim 0-COD

25-Mahad Axmed Diiriye 0-COD

26-Maxamed Cabdiraxman Cali 1-COD

27-Maxamed Amiin Faarax 0-COD

28-Maxamed Daahir Aweys 0-COD

29-Mukhtaar Maxamed Sayid 0-COD

30-Nucman Sheekh Cumar 0-COD

31-Cumar Cabduqaadir Fiqi 0-COD

32-Cusman Xasan Bariise 0-COD

33-Ridwaan Xirsi Maxamed 0-COD

34-Saciid Ciise Maxamuud 1-COD

35-Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi 0-COD

Dowlada Mareykanka oo Sabab u Noqotay Xil ka badelka lagu Sameeyay Wasiirka Gaashaandhigga

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa isku shaandheyn iyo is beddel ku sameeyay qaar kamid ah golihiisa Wasiiradda, waxa uuna xilka ka qaaday kana saaray meesha labo Wasiir,

Raisal Wasaare Xamze oo Magacaabay Wasiiro Cusub Kadib Isku Shaadheyn uu Sameeyay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamze Abdi Barre ayaa maanta magacaabay xubnahan cusub ee Wasiirrada ee Xukuumadda JFS ee kala ah: 1. Md. Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi –

Kooxda Xisbullah oo weerar khasaaro geesatay ka fulisay gudaha Suuriya

Dagaallamayaal katirsan ururka Shiicada ee Xisbullaah , ayaa lagu soo waramayaa in gudaha u galeen qeybo kamid ah dalka Suuriya, waxa ayna kooxdan weerar ku qaadeen goob ay joogeen ciidamo

Meydka Nin la weysanaa Mudo oo laga helay hotel ku yaalla Muqdisho

Nin muddo labo Maalin ah la weysanaa ayaa Meydkiisa laga helay qol uu ka deganaa Hotelka Mansoor oo ku yaalla Nawaaxiga Isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho. Marxuumka ayaa lagu sheegay

Madaxweynaha Turkiga oo Saddex Qodob kala hadlay dhigiisa Mareykanka Trump

Madaxweynayaasha dalalka Mareykanka iyo Turkiga ayaa yeeshay wadahal dhinaca telfoonka ah, waxa ayna labada masuul kawada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ugu horreeyaan xoojinta xiriirka labada dal ka dhaxeeya
Ad
Previous articleFarmaajo oo ku Horeeya Tiranta Codadka Wareega 1aad ee Doorashada Somaliya
Next articleTirinta codadka Wareega labaad oo dhamaatay iyo Wareeg Sadexaad oo loo Gudbay