Home Wararka Maanta Sacdiya Yaasiin oo shaacisay inay ‘halis ku jirto’ nolosheeda kadib markii ay...

Sacdiya Yaasiin oo shaacisay inay ‘halis ku jirto’ nolosheeda kadib markii ay Ka Hadashay dhawaan Sharciga Jinsiga

0

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Soomaaliya, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar oo war cusub soo saartay ayaa shaaca ka qaaday inay dareemeyso xaalad halis ah oo soo wajahday kadib hadalkii ay jeedisay.

Xildhibaan Sacdiya ayaa sheegtay inay soo gaareen farriimo hanjabaadyo ah oo la xiriira khudbaddii ay maalmo ka hor jeedisay, taas oo dhalisay muran xoogan, ka gadaal markii ay ka hadashay xeerka Jinsiga ee ay horey u diideen Baarlamaankii 10-aad ee dalka.

Marwo Sacdiyo Yaasiin waxay intaasi ku dartay in hadalkeeda lasoo jarjaray, islamarkaana si khaldan loo dhigay, kadibna lagu baahiyey baraha bulshada ee Internet-ka.

Sidoo kale waxa ay hoosta ka xariiqday in ayadu aysan qayb ka aheyn dadka u doodaya meel-marinta xeerka Jinsiga ee ay haatan dooda adag ka taagan tahay, ayna ka mid aheyd xildhibaanadii horey u diiday meel marimnta sharcigan, sida ay haatan ku dooday.

Waxa kale ay sheegtay in kaliya ay ololeyneyso kaliya wax ay ugu yeertay ‘Sharaf Dhowr’ si ay xuquudooda gaar ahaaneed u helaan dumarka, gaar ahaan kuwa loo geysto tacadiyada.

Arrintaan oo ay ka dhalatay xasaasiyad xoogan ayaa waxaa soo farageliyey guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed (Aadan Madoobe), kaas oo ballan qaaday in Baarlamaanka Soomaaliyeed aan la horkeeni doonin wax ka hor imaanaya Diinta Islaamka.

Si kastaba, doodda laga keenay xeerka Jinsiga ayaa todobaadkan cirka isku sii shareertay, kadib hadalkii ay jeedisay Xildhibaan Sacdiyo Yaasiin, kaas oo ay ka falceliyey Culumada.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleJabhada TPLF oo hubkeeda ku wareejinaysa ciidanka dowladda Itoobiya iyo abiya Axmed oo Guul ka Gaaray
Next articleHoggaamiyihii kooxda Macawiisleyda iyo saraakii kale oo ku Dhintay Dagaalkii Cuslaa oo ka Dhacay Deegaanka Nuur Dugle