Home Wararka Maanta Sababta Rasmiga ah ee hor taagan in horey loo sii wado...

Sababta Rasmiga ah ee hor taagan in horey loo sii wado dagaallada ka dhanka ah Al-Shabaab(Xog)

0

Waxaa toddobaadyadii tegay uu gaabis ku yimid dagaalkii ka dhanka ahaa Al-Shabaab ee ka socday qaar ka mid ah gobollada dalka, taasi oo keentay in madaxweyne Xasan Sheekh uu shalay tago furimaha dagaalka, si uu u dhiiri geli ciidamada.

Sida ay ogaatay Mudug24, waxaa soo baxaya shaki iyo tuhun ay muujinayaan saraakiisha xafiiska madaxweyne Xasan Sheekh iyo saaxiibada ku xeeran oo ah in taliyayaasha sare ee ciidanka qaarkood ay xagal daacinayaan howlgallada.

Xogta ayaa sheegeysa in dadka la tuhunsan yahay u uku jiro Taliyaha ciidamada xoogga dalka Gen. Odawaa Yuusuf Raage oo ay wehliyaan taliyaha ciidamada booliska Jen. Cabdi Xasan Maxamed “Xijaar, taliyaha ciidamada lugta General Biixi, iyo saraakiil kale oo qeybaha ciidamada gaarka u tababaran ay hoos tagaan.

Villa Somalia ayaa qabta in saraakiishaasi aysan daacad ka aheyn dhameystirka howlgallada socda, islamarkaana ay xagal daacinayaan howlgallada ciidamada iyo macaawiisleyda.

Xogta ay heshay Mudug24 ayaa sheegaysa in taliyeyaashaasi oo madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu magacaabay ay illaa hadda weli fulinayaan siyaasafdii Farmaajo maadaama Famaajo loo arko inuusan la dhacsaneyn in Al-Shabaab meesha laga saaro si walbo haku timaadee.

Ad
Previous articleSenator ka Tirsan Hirshabeele oo ku Dhawaaqay inuu Ka Baxaayo Beeshiisa Hadii Ay Dagaal Galaan
Next articleSomalia oo markii u horreysay saxiixday sharci caalamiga ah oo la xiriira Adeegsiga Waxyaabaha Qarxa