Home Wararka Maanta Sababta Keentay Kala Taga Farmaajo iyo Fahad Halkaan ka Ogoow

Sababta Keentay Kala Taga Farmaajo iyo Fahad Halkaan ka Ogoow

0

Baaris aan saacadihii la soo dhaafay samaynay ayaa ku ogaanay in kala-gurashada Farmaajo iyo Fahad ay salka ku hayso laba arrimood:

1. Xiriirkii dowladda Qatar:

Sida aan xogta ku helnay, waxaa si toos ah isugu xirmay Farmaajo iyo sirdoonka Qatar oo markii hore uu wakiil ka ahaa Fahad Yaasiin. Dood iyo khilaaf tallaabadan ka dhashay ayaa muddo soo jiitamayay, illaa uu soo dedejiyay kala-furashada xulafadii Nabad iyo Nolol.

Xiriirka tooska ah ee Farmaajo iyo Qatar waxaa caawiyay saluug ay labada dhinacba ka qabeen hannaankii uu Fahad u maareeyay qarashaadkii ay dawladda Qatar ku bixin jirtay taageeridda nidaamkii Farmaajo iyo ololihii dib-u-doorashada ee guuldarreystay 15-kii May 2022.

2. Raalligelinta Xigta iyo Raadinta Xeelad Xuub-dhacsi:

Wararku waxa ay sheegayaan in Farmaajo uu in muddo ah la kulmayay cadaadis uga imaanaya jilba-culusta beeshiisa oo ay ku jiraan ganacsato uu taakulo siyaasadeed ka helo, kuwaas oo ku qancinayay in uu heysto fursad uu isaga nadiifin karo eedihii loo heystay maamulkiisa, taas oo ay shardi uga dhigeen in uu iska fogeeyo raggii xulufada la ahaa sida Fahad Yaasiin.

Farmaajo, oo u muuqda mid aragtidaas la dhacay, ayaa la soo werinayaa inuu hadda quud-darreynayo in gefafkii iyo garaafooyinkii siyaasadeed ee ka soo gaaray muddo xileedkiisi hore uu ku geddiyo raggii talada la lahaa, kaddibna uu xulufo cusub kasbado isaga oo isku ekeysiinaya nin dib u saxaya wixii uu qalday.

Waxaa muuqata in dhaxalkii shanta sano ee Nabad iyo Nolol uu ku soo dhammaaday dhaliilo laga kala dhuumanayo. Hase ahaatee, si kasta oo ay raggii wada joogay u kala jeestaan, waxaa calaamad su’aal saaran tahay sida ay ugu suurtogeli doonto in uu mid kasta goonidiisa u soo xiro xisaabaadkii hore ee ay dartood u kala

 

Liiska Wadamada laga Mamnuucay Galitaanka Dalka Mareykanka oo lasoo Bandhigay

Sida ku xusan qorshe ay diyaarisay Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ee liiska casaanka ah, Mas'uuliyiinta dalkaasi ayaa qorsheynaya inay adkeeyaan sharciyada gelitaanka muwaadiniinta dhowr waddan oo Carbeed, sida ay sheegtay

Magaalada Berbera Wiil Dhallinyaro ah oo Jaceyl Dartiis Dab isku Qabadsiiyay

Wiil dhallinyaro ah oo ku nool magaalada Berbera ee Somaliland ayaa dab is qabadsiiyay, kadib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo gabadh uu jacayl ka dhexeeyay Jimcihii shalay.

4 Qof oo ugu geeriyootay Xanuun aan la ogeyn Gobolka Karkaar ee Puntland

Wararka ka imaanaya Degmada Rako Raaxo oo ka tirsan Gobolka Karkaar ee Puntland ayaa sheegaya in uu halkaasi ka dilaacay Xanuun safmara oo aan weli la aqoonsan si deg deg

Maxaa Keenay cabsida laga qabo in uu Dagaal ka dhex qarxo Itoobiya iyo Ereteriya?

Kadib muddo dhowr sano ah oo laga nastay xurguftii muddada dheer ka dhexaysay Itoobiya iyo Ereteriya, mar kale dhinacyada ayaa isku hub urursanaya, iyada oo laga cabsi qabo in dagaal

Madaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo
Ad
Previous articleBeesha Sacad oo go,aano Xasaasi ah Soo Saaray Qoor Qoorna Baaq Adag U diray
Next articleLaba wiil oo Soomaali ah oo lagu dilay Koonfur Afrika