Home Wararka Maanta Sababta keenta in Alshabaab ay Aroortii Weeraaraan Ciidamada Dowlada oo la Shaaciyay

Sababta keenta in Alshabaab ay Aroortii Weeraaraan Ciidamada Dowlada oo la Shaaciyay

0

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga dowlada Soomaaliya Jen. C/llaahi Cali Caanood ayaa ka hadlay sababta Al-shabaab ay u beegsadaan fariisimaha ciidamada DF xiliga aroortii.

Jen. Caanood ayaa sheegay in qaadku yahay sababta arrintan keentay, maadaama buu yiri habeenkii oo dhan ciidamada badankood ay qayilaan, xiliga aroorrtiina ay kala daadsan yihiin, taasoo uu xusay iney tahay sababta Al-shabaab ay xiligaas ugu soo beegaan weeraradooda.

“Qaadka waa Shabaab kale ah waana midka u sahla in cadowga gaado ciidamada xiliga aroortii oo inta badan ciidanku ay hurdaan maadaama ay ku dhafreen isticmaalka Qaadka.,” ayuu yiri Jen. Caanood

Waxa uu sheegay in Qaadka uu ciidamada ku jira dagaalka ku hayo dhibaato badan, wuxuuna xusay in dowladu ay haatan dareensan tahay mushkiladaas, khubarada milaterigana ay ka fekerayaan sidii xal loogu heli lahaa.

“Nasiib darada taagan waxaa ka mid ah in ciidankii difaaca geli lahaa ay habeenkii isku yimaadaan si ay Qaad u cunaan, waxaa la bilaabaya sheeko ka mashquulineysa iney cadowga ka feejignaadaan,” ayuu yiri Afhayeenka ciidamada.

Dowlada Soomaaliya ayaa u maaro la’ weerarada Al-shabaab ay ku soo qaadaan ciidamada DF xiliga aroortii, kuwaasoo sababay khasaarooyin xun oo soo gaaray ciidamada.

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa

Dagaal Dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya oo laga Cabsi Qabo Inuu Qarxo

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku

Warar laga helayo Dagaalo ka dhacay Deegaano Hoostaga Galmudug Sida Ceelhuur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Xalay ka dhacay deegaanka Biyo cadle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa ahaa mid

Xamse oo booqday ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ee ku dhaawacmay dagaalka lagula jiro Al shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay ku booqday isbitaalada Xooga dalka iyo isbitaalka Erdogan dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagula

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu
Ad
Previous articleShir muhiim u ah ku biiridda Soomaaliya ee ururka EAC oo maanta ka furmaya Muqdisho
Next articleAabe gabadhiisa la’aa muddo dhowr maalmood oo Markii uu Helay ku hor toogtay albaabka maxkamad loga yeeray