Home Wararka Maanta Sababta Cumar Filish looga reebay shirkii golaha amniga qaranka ee...

Sababta Cumar Filish looga reebay shirkii golaha amniga qaranka ee Muqdisho kasocda

0

Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Cumar Filish ayaa markii u horeysay laga qeyb-galin shirka Golaha Amniga Qaranka, kaasi oo shalay uu shir-guddoomiyey madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Shirkaan oo ay joogeen inta badan wasiirada muhiimka ah iyo taliyeyaasha ciidamada, ayaa lagu wargelin Filish oo kamid ahaa masuuliyiintii sida aadka ah ugu dhawa madaxweynihii hore.

Go’aanka Filish looga qeyb-galin waayey shirka ayaa la rumeysan yahay in uu ka yimid madaxda sare, ayada oo uu si weyn u dhaliilay ku-xigeenka Cumar Filish, oo kamid ah gacan-yareyaasha madaxweynihii hore.

Cali Yare ayaa nasiib darro ku tilmaamay in liiska guddiga Amniga Qaranka ee Madaxtooyada kasoo baxay laga reebo Guddoomiyaha gobolka oo ahaa xubinta ugu muhiimsan guddiga marka laga reebo madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha.

Shirka Golaha Amniga Qaranka oo ahaa kii ugu horeeyay ee Xasan Sheekh qabto ayaa waxa ka qeyb-galay: Wasiirka Amniga, Arrimaha gudaha, Cadaaladda, Taliyeyaasha Boolisak iyo Nabad-sugida, La-taliyaha madaxweynaha ee Amniga Qaranka, halka Wasiirka Gaashaandhiga iyo Taliyaha ciidanka xooga ay uga qeyb-galeen dhanka Zoom-ka.

Si kastaba, Arrintaan ayaa imaneysa xili lasoo warinayo in madaxda sare ay qorsheynayaan inay xilka guddoomiyaha Gobolka ka qaadaan Cumar Filish.

 

 

 

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleAKHRISO:qodobadii looga hadlay shirka golaha wasiirada ee maanta oo la shaaciyay (Sawirro)
Next articleP.M Xamse oo War kasoo Saaray Shirkii Golaha Wasiirada ee Muqdisho Ka Socday