Xildhibaan Jeneraal Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) ayaa si adag uga jawaabay qoraalkii uu maanta soo saaray madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Madaxweynihii hore ayaa sheegay in wax ka bedelka qaabka dowladnimada, hanaanka baarlamaaniga ah, habka doorashooyinka qof iyo codka ah iyo hannaanka xisbiyada badan, oo aan loo marin wadada saxda ah ay keeni karaan in dalku uu dib ugu noqdo xasilooni darro iyo hubanti la’aan.
Xildhibaan Saadaq Joon oo daba socda qoraalka Farmaajo, ayaa waxa uu sheegay in dalka ka dhaceyn hubanti la’aan ka dambeysa asaga, oo mar isku dayay muddo kororsi qalaalase horleh galiyay dalka.
“Farmaajoow xasillooni darro iyo hubanti la’aan adiga kaa danbayso dalkaan kama dhacayso Insha Allah,” ayuu yiri Xildhibaan Saadaq Joon.
Waxa uu intaas kusii daray “Waxaan ku dhihi lahaa (Farmaajo) dadkaaga dhinac ka raac hadii kale damacaagii cadaymihiisa waan hayaa kumana nabad-galaysid la soco.”
Madaxweyne Xasan ayaa Jimcihii hore khudbad uu ka jeediyay Masaajidka Madaxtooyada ugu adkeystay heshiiskaas, kaasi oo dhigayay in laba xisbi oo kaliya dalka laga dhiso, lana bedelo nidaamka baarlamaaniga ah ee hadda Soomaaliya ka shaqeeya.