Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Saadaq joon oo loo Magacaabay Taliya Ku Xigeenka NISA yaa lagu Badalay?

Saadaq joon oo loo Magacaabay Taliya Ku Xigeenka NISA yaa lagu Badalay?

0

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Saadaq Joon u magacaabay xilka taliye kuxigeenka hay’ada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA kadib wadatashiyo arrintaasi ku saabsan oo maalmahan ka socday magaalada Muqdisho.

Sida wararku tilmaamayaan, madaxweyne Xasan oo shalay galab ilaa xalay kulamo aan loo kala kicin la lagaa Saadaq Joon oo sidoo kale mudane baarlamaan ah ayaa soo dadajisay in maanta xilkaasi lasiiyo, walow uu quudareynayay xilka taliyaha NISA.

Saadaq ayaa kamid ahaa dadkii wax ka waday ololihii uu xilka madaxtinimo ugu guuleystay madaxweyne Xasan bishii May ee sanadii 2022.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleXasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey Shirka Golaha Amniga Qaranka oo deg deg loo qabtay
Next articleIngineeradii Dhisi lahaa Dakada Hobyo oo Gaaray Hobyo