Waxaa maanta lagu qabtay Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug doorashada kursi ka mid ah kuraasta golaha shacabka, kaasoo sumadiisu tahay HOP#248.
Doorashada kursigan ayaa waxaa ku guuleystay Saadaq Cumar Xasan oo loo yaqaano Saadaq Joon, kadib markii uu shalay iska casilay kursigaan Xildhibaankii ku fadhiyay oo ah ganacsade Maxamed Cabdi Xasan Afweyne.
Ganacsadaha kursigan iska casilay ayaa mudo kooban oo 5 bil ah ka tirsanaa Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isagoo kursigan loo soo doortay 4-tii March ee sanadkan 2025, maadaama uu markaas banaanaa kursiga HOP#248.
Si kastaba ha haatee Saadaq Joon ayaa horay ugu fadhiyay kursigan, hayeeshe waxa uu waayay xubnimadiisa kursigan markii uu aqbalay xilka agaasime ku xigeenka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad sugidda Qaranka ee (NISA).
Ugu dambeyn Saadaq Joon ayaa markale maanta si rasmi ah dib ugu fariistay kursiga HOP248 kadib doorashada maanta ka dhacday Dhuusamareeb oo uu kula tartamay musharax lagu magacaabo Shaafici Axmed Cali (Cakoore).