Home Wararka Caalamka Ruushka oo xabbad-joojin kaga dhawaaqay magaaladii looga digay inuu xasuuqa ka gaysto.

Ruushka oo xabbad-joojin kaga dhawaaqay magaaladii looga digay inuu xasuuqa ka gaysto.

0

Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay inay u ogolaan doonto dadka rayidka ah ee ku go’doonsan warshadda birta ee Azovstal inay ka guuraan goobta.

“Cutubyada Ruushku waxay u bixi doonaan “si ammaan ah” laga bilaabo 12:00 BST,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay wasaaradda gaashaandhigga Ruushka.

Askarta Ukraine iyo dadka rayidka ah ayaa toddobaadyo ku go’doonsanaa dhismaha warshadaha.

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenesky, ayaa marar badan ku adkaystay in Kyiv ay isaga bixi doonto wadahadallada ay kula jirto Moscow haddii la laayo ciidamadiisa iyo dadkiisa rayidka ah ee ku xayiran magaalada Mariupol.

Ad
Previous articleXukuumada Rooble oo warka soo saartay Qarixii Saakay Ka dhacay Muqdisho
Next articleKusimaha Madaxweynaha Puntland oo Maantay Magacaabis aan Horay loo arag Sameeyey