Home Wararka Caalamka Ruushka oo Weerar ku qaaday Dalka Poland oo ka tirsan Xulafada NATO

Ruushka oo Weerar ku qaaday Dalka Poland oo ka tirsan Xulafada NATO

0

Ruushka ayaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku weeraray gudaha dhulka Poland , iyadoo markii u horreysay isbahaysiga NATO uu ku dhawaaqay nidaamyadooda difaaca inay ka caawiyeen Poland ka hortagga weerarrada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushka, sida ay sheegtay AP.

Ma cadda in weerarka uu ku socday bartilmaameed gudaha Poland ah, balse waxa la hubo ayaa ah inuu Ruushka tijaabo ku wado habka difaaca iyo isku xirka jawaabaha deg degga ah ee ka imaan kara NATO.

Dowladda Poland, ayaana si weyn u cambaareysay weerar kaga yimid dhinaca Ruushka, waxa ayna weerarkan ku tilmaameen wax laga xumaado oon loo dulqaadan karin.

Xiisada u dhaxeysa Ruushka iyo Gaashaambuurta NATO ayaa muddooyinkan sii xumaaneysay, waxa uuna Ruushka damacsan yahay in si toos ah u tijaabiyo awooda NATO oo siyaasad ahaan si weyn isku hayaan.

Ad