Home Wararka Caalamka Ruushka oo Taliye Cusub U soo Magacaabay Dagaalka Ukrain kadib Markii Ladilay...

Ruushka oo Taliye Cusub U soo Magacaabay Dagaalka Ukrain kadib Markii Ladilay Taliyihii Hore

0

Mas’uuliyiin reer Galbeed ah ayaa xaqiijiyay in Ruushka uu isbedal ku sameeyay taliska duullaankiisa Ukraine, iyadoo uu hoggaanka la wareegay janan cusub oo khibrad u leh dagaal gelinta, kana soo shaqeeyay Suuriya.

Jenaraalka ayaa magaciisa lagu sheegay Alexander Dvornikov, waana taliyaha aagga Koonfureed ee Ruushka.

Magacaabista janankan ayaa looga gol leeyahay in lagu wanaajiyo isku xirka ciidamada kala duwan ee qeybta ka ah duullaanka, iyagoo markii hore hoos tegi jiray abaanduulayaal kala duwan, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta.

Ruushka ayaa 44 maalin kadib weli gaari la’ yoolkiisa ahaa inuu gacanta ku dhigo Ukraine, gaar ahaan caasimadda Kyiv.

Waxa uu hadda xoogga saarayaa gobolka bari ee Donbas, halkaas oo xukuumadda Kyiv ay sheegtay inuu ka geysan rabo tacaddiyo ballaaran.

Sababta ugu weyn ee ay u dhaqaaqi waayeen ciidamada Ruushka ayaa lagu sheegay in xooggaga Ukraine ay isu qeybiyeen kooxo tiro yar, oo weerarro gaadmo ah ku ekeeya ciidanka soo duulay.

Saadaasha dalalka Galbeedka ayaa ah in Ruushka uu sii xoojin doono duullaankiisa ka hor 9-ka May oo ah marka dalkaas laga xuso guushii uu ka gaaray dagaalkii labaad ee dunida.

Waa kuma Jen. Alexander Dvornikov?

Waa rug cadaa milateri oo darajooyin kala duwan ka soo qabtay ciidamada Ruushka tan iyo sagaashameeyadii. Waxa uu hogaamiyay qeybta lixaad ee ciidamada lugta, qeybta 10-aad ee ciidamada taangiyada iyo weliba qeybta labaad ee ciidamada lugta.

Waxa uu mar noqday taliye kuxigeenka ciidamada Ruushka.

December 2012 ayaa loo dalacsiiyay sarreeye guud, halka September 2015 uu noqday taliyihii u horreeyay ee ciidamada Ruushka kaga sugan Suuriya. March 2016 ayaa la guddoonsiiyay billada geesinimada ee ugu saraysa Ruushka.

Madaxweyne Putin ayaa rumaysan in janankan khibrada badan uu wax ka bedali doono duullaanka Ukraine oo ilaa haatan u muuqda mid aan laga gaarin ujeedadii ay ka lahayd xukuumadda Moscow.

Afhayeenka Putin ayaa maalin ka hor sheegay in askar looga laayay duullaanka, taasina ay xanuun ku tahay.

Khubarada milateri ayaa ka digaya in dagaalka Ukraine uu daba dheeraan karo, xilli Ruushka uu doonayo inuu si buuxda gacanta ugu dhigo bariga dalkaas.

Ukraine ayaa horay u sheegtay in Ruushka ay jenaraalo ciidan kaga dishay dagaalka. Waxaa kamid ah:

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa

Dagaal Dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya oo laga Cabsi Qabo Inuu Qarxo

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku

Warar laga helayo Dagaalo ka dhacay Deegaano Hoostaga Galmudug Sida Ceelhuur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Xalay ka dhacay deegaanka Biyo cadle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa ahaa mid

Xamse oo booqday ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ee ku dhaawacmay dagaalka lagula jiro Al shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay ku booqday isbitaalada Xooga dalka iyo isbitaalka Erdogan dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagula

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu
Ad
Previous articleXog: Ma laga socon karaa Maamulka Koonfurgalbeed ee Diiday In Xildhibaanadiisa Lasiiyo Shaahdada?
Next articleWararka ugu Danbeeyay Dagaalka Gobolka mudug ku dhexmaray Ciidanka Galmudug iyo Shabaab