Home Wararka Caalamka Ruushka oo Talaabo Adag ka Qaaday Dowlada Finland Kadib Codsigii ay Udirsadeen...

Ruushka oo Talaabo Adag ka Qaaday Dowlada Finland Kadib Codsigii ay Udirsadeen NATO

0

Dowladaha Finland iyo Sweden ayaa ka codsaday gaashaanbuurta NATO in ay xubin ka noqdaan , waxaana codsigan yahay wali mid aysan si rasmi ah u aqbalin dowladaha ku midoobay NATO.

Ruushka ayaa si weyn uga soo horjeeday in dalalka dariska la ah in ay ku biiraan gaashaanbuurta NATO, waxaana duullaanka Ruushka ku qaaday Ukraine salka ku hayay rabitaankooda ku aadan in ay ku biiraan NATO.

Xukuumadda Moscow oo ka careesan rabitaanka Finland ee ku aadan in ay ku biirto NATO ayaa durba qaaday tallaabo degdeg ah oo lagu ciqaabayo dalkaasi, waxaana Ruushka gaaskii ay ka iibin jireen Finland ka jareen iyaga oo jawaab uga dhigaya .

Wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Ruushka ayaa horay u sheegtay in dowladda  Finland haddii ay ku biirta NATO ay yeelan doonto cawaaqib daran oo ciidan iyo mid siyaasadeedba.

Ruushka ayaana la filayaa in ay qaadaan tallaabooyin kale oo ka dhan ah dowladaha Sweden iyo Finland ee doonaya in ay xubin ka noqdaan gaashaanbuurta NATO, waxaana tallaabooyinka Ruushka qadao lacaga cabsi qabaa in uu abuuro xaalado halis ah.

Dowlada Somaliya oo ku Dhawaaqday Xiliga la Qabanayo doorashada goleyaasha degaanka

Gudoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Mudane Abdikarim Ahmed Hassan, G/ kuxigeenka Saadiq Abshir Garaad iyo qaar ka mid ah Xubnaha guddiga ayaa si wada jir ah u

Dagaal ciidamada Puntland iyo kuwa Daacish ku dhexmaray Togga Miiraale oo Warar laga helayo

Dagaal culus oo dhexmaray ciidamada Puntland iyo kuwa Daacish oo ka dhacay aagga Togga Miiraale ee buuraha Calmiskaad, ayaa geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac ah. Inta la

Madaxweyne Xasan Shiikh oo maanta gaaray Furuumaha hore ee Dagaalka:- Sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray jiidaha hore ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada, gaar ahaan Degmada Aadan Yabaal oo uu ka hoggaaminayo hawlgallada xoreynta deegaannada

Sarkaal Dhawaan kasoo goostay Kooxda Daacish oo isoo Meyd ah la helay

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari , ayaa sheegaya in uu geeriyooday Cabdiraxmaan Shirwac Aw Siciid (Laahoor) oo horey uga tirsanaa saraakiisha sar sare ee kooxda Daacish,

Turkiga oo Muqdisho Keenay Diyaaradaha Bayraktar Akıncı ee Dron-ka ah

Sida aan xogta ku heleyno dowladda Turkiga ayaa magaalada Muqdisho maanta keentay labo diyaaradood oo nuuca dagaalka ah, kuwaa oo loogu tala galay in ciidanka xoogga dalka  Soomaaliya ka caawinayaan
Ad
Previous articleAlshabaab oo Weerar layaab leh Ka Fuliyay Degmada Balcad Askar Badana Ku laayay
Next articleUrurka Xamaas oo War Kasoo Saaray Doorashadii Madaxweyne Xasan Shiikh