Ruushka ayaa Denmark uga digay inay heshiis la galaan Maraykanka, taasoo macnaheedu yahay in askar Maraykan ah la geeyo jasiiradda Denmark.
Ruushka ma faragelin doono siyaasadda difaaca Denmark, ayay tiri ra’iisul wasaare Mette Frederiksen, oo ka fikiraysa in Maraykanku uu awood u leeyahay inuu askar u diro Bornholm.
– Aad ayaan uga jawaabi karaa taas si kooban. Safiirka Ruushka ma faragelin doono waxa ka socda Bornholm, ayay tidhi Frederiksen mar uu booqasho ku tagay Bornholm Khamiistii.
Waxay ku nuuxnuuxsatay, in Danmark ay tahay waddan madaxbannaan.
Horaantii sanadkan, dawladda Denmark ayaa ku dhawaaqday in ay Maraykanka kala xaajoon doonto heshiis siyaasadda amniga ah, taas oo macnaheedu yahay, in askar Maraykan ahi yimaadaan Danmark.
Bishii Febraayo, safiirka Ruushka ayaa sheegay in Ruushka iyo Danmark ay heshiis cad ka gaareen in aan askar Mareykan ah la geyn doonin jasiiradda. Wuxuu soo hadal qaaday heshiis la gaaray dagaalkii labaad ee aduunka kadib.
War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu
Maamulka Puntland ayaa mar kale shaaciyay inuu halkiisii yahay mowqifka ay kaga soo horjeedaan dowladda Federaalka Soomaaliya, inta laga helayo isbeddel iyo garowshiiyo ka yimaada madaxda dowladda Federaalka. Wasiirka Warfaafinta
Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa saqdii dhexe ee Xalay soo afjaray weerar qaatay in ka badan 15 saacadood oo ay xubno ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen waabargii hore ee shalay