Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Rooble oo kala Hadlay Cali Guudlaawe Gudoomiyihii Gudiga Doorashooyinka ee Xilka uu...

Rooble oo kala Hadlay Cali Guudlaawe Gudoomiyihii Gudiga Doorashooyinka ee Xilka uu Ka Qaaday

0

Ra’isul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyay xil kaqaadistii lagu sameeyay guddoomiyihii giddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed Hirshabelle Axmed Xasan Diini.

Waxa uu sidoo kale Rooble hambalyo u diray Maxamed Xuseen Maxamed oo xubin ka noqday guddiga doorashada Hirshabelle, waxa uuna faray guddiga doorashada in ay ku shaqeeyaan habraacyada iyo heshiisyada Doorashada ilaaliyaanna kala danbaynta.

Ra’isul Wasaare Rooble oo khadka taleefanka kula hadlay Madaxwaynaha Hirshabeelle Cali Gudlawe Hussein ayay ka wada hadleen in kuraasta Xildhibaannada ee taalla Baladwayne loogu tartamo si furan isla markaana aan shaqsi gaar ah loo xirin.

Ugu danbayn Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya  waxa uu ku boorriyay Madaxda maamulada Jubaland iyo Hirshabeelle in ay sida ugu dhaqsaha badan u soo dhammaystiraan Kuraasta Golaha Shacabka ee harsan.

Ad
Previous articleGudoomiyihii Gudiga Doorashooyinka Hirshabeele oo Ka Hadlay Xilka Qaadistii lagu Sameeyey
Next articleMidowga Musharixiinta Arimo Xasaasi ah Kala Hadlay Gudiga Doorashooyinka(Sawiro)