Home Wararka Maanta Rooble oo ka hor yimid heshiis uu galay Wasiirkiisa Batroolka iyo Macdanta

Rooble oo ka hor yimid heshiis uu galay Wasiirkiisa Batroolka iyo Macdanta

0

Qoraal kooban oo ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Dalka ayaa lagu caddeeyay in heshiiska uu Wasiirka Batroolka saxiixay ee la xariirta arrimaha shidaalka uu yahay mid baal marsan sharciga dalka, isla markaana uu Ra’iisul Wasaaruhu qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

“Heshiiska la sheegay in Wasiirka Batroolku uu saxiixay ee la xiriira arrimaha Shidaalka Soomaaliya waa mid sharci darro ah oo aan loo marin waddo shirci ah sidaas darteed waxba kama jiraan”. ayaa lagu yiri qoraalka.

Ra’iisul Wasaraha ayaa qaadi doonaa talaabooyin sharci ah oo looga jawaabayo falkaas xadgudubka ku ah Hantida Qaranka iyo dhaxalka Jiilalka soo socda si loo ilaaliyo amaanada Ummadda Soomaaliyeed.

Wasiirka batroolka Somalia ayaa qoraal uu soo dhigay bogga Twitterka waxaa uu ku shaaciyey heshiiskaas oo uu sheegay inuu la ogaa Madaxweyne Farmaajo.

“Waxaan ku faraxsanahay in aan iclaamiyo inaan saxiixnay Heshiis Wax soo saar Wadaag 7 xirmood oo aan la galnay shirkadda COASTLINE EXPLORATION LTD. Waa guul usoo hoyatay Ummada Soomaaliyeed. Waxaan u mahad celinayaa Madaxweyaha JFS oo igu garab siiyey iguna tirtirsiiyey dhammaystirka hawshan” ayuu ku yiri wasiirka qoraalkiisa.

Dowlada oo ka hadashey Hawlgaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Gobolada Shabeelooyinka

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed oo maanta shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay furimaha hore ee dagaalka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka

Gobolka Shabeellaha Dhexe oo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Kooxda Shabaab

Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay  ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka

Fahad Yaasiin oo Madaxweyne Xasan Shiikh ugu Baaqay inuu Dadka kala tashto Xaalada taagan

Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu la yimaado Qorshe Qaran oo looga hortagaayo

Somaliland oo ka hadashey Dekadaha ay Dowlada Somaliya ku Wareejineyso Mareykanka

Xukuumadda Somaliland ayaa warka ay qortay jariidadda Semafor, ee sheegaya in Soomaaliya ay dekedda Berbera ugu yaboohday Maraykanka, ku tilmaantay naf-lacaarinimo. Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, oo

Madaxweyne Xasan Shiikh oo safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga, kadib casuumaad uu ka helay dhiggiisa Madaxwaynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogaan, sida lagu sheegay
Ad
Previous articleAqriso:Heshiiska Uu Galay Wasiirka Batroolka Soomaliya ee Farmaajo iyo Rooble Kawada Caroodeen
Next articleGudiga Xalinta khilaafaadka Doorashooyinka oo Hakiyay Kursi Baraawe lagu Doortay Dhawaan