Home Wararka Maanta Recep Tayyip Erdogan oo bilado gaar ah ku sharfay Dowladda Soomaaliya

Recep Tayyip Erdogan oo bilado gaar ah ku sharfay Dowladda Soomaaliya

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa bilado gaar ah ku sharfay Dowladda Soomaaliya oo ay wehliyaan dalal kale oo Turkiga ka taageeray wax ka qabashada dhibaatadii ka dhalatay dhul-gariirkii 6-dii Febraayo, 2023.

Maamuuskan ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiirada Arrimaha Gudaha, Deegaanka, Magaalooyinka iyo Isbadalka Cimilada.

Munaasabad lagu xusay sanad guuradii labaad ee ka soo wareegtay dhulgariirka ayaa lagu qabtay Gobolka Adiyaman, Madaxweynaha Turkiga ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay Dowladda Soomaaliya.

Recep Tayyip Erdogan ayaa xusay in Jamhuuriyadda Turkiga ay mar walba shacabka Soomaaliyeed garab taagan tahay, si lamid ah sida ay u soo garab istaageen markii uu haleelay dhul gariirkii dadka badan galaaftay.

Madaxweynaha Turkiga ayaa salaan u diray Madaxweynaha iyo shacabka Soomaaliyeed.

Qunsulka Safaaradda Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Turkiga Cabdiraxmaan Maxamuud ayaa Madaxweynaha Turkiga ka guddoomay biladda xasuusta, isagoo uga mahadceliyey taageerada iyo garab istaagga Dowladda Soomaaliya ay la garab taagan tahay dalkiisa.

Erdogan ayaa dowladaha lagu casuumay uga mahad celiyey garab istaagooda, sidoo kale kulankaan ayaa lagu gorfeeyey sidii looga hortagi lahaa dhibaatadii ka dhalatay isbadalka Cimiladda.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleCadaaanka ku nool koonfur Africa oo si adag uga horyimid Qorshaha uu la damacsanyahay Trump
Next articleDuqayntii Trump amray ee Buraha Galgala oo la shaaciyay Sarkaalkii lagu dilay